Ogeysiis:Bannaanbax weyn oo lagu xusayo sannad guuradda 25aad ee madax-bannaanida Somaliland

Guddida qabanqaabada 18 May ee UK waxay diyaarisay bannaan-bax ballaadhan oo ay jaalliyadda reer Somaliland ee UK ku xusi doonto sannad guurada 25aad ee la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, kuna taaageeri doonto qaddiyadda Somaliland. Xuska 18 May ka sokow, ujeeddada bannaan baxu waa jaalliyadda oo si xoog leh caalamka ugu muujin doonta in ay qaddiyada Somaliland taageersantihiin uguna baaqayaan in la ictiraafo. Sidaa darteed Guddida qaban qaabadu iyadoo jaalliyadda matalaysa waxay dawladda Ingiriiska u gudbin doontaa warqad lagaga codsanayo inay aqoonsato Somaliland mawqifka ay hadda ka taagantahayna wax ka badasho.

Goobta : Richmond Terrace: kasoo horheedjka 10 Downing Street 

Maalinta : Arbaca 18 may 2016
Wakhtiga 12 Duhurnimo ilaa 4ta galabnimo
Gaadiidka: Westminster Tube station

Waxaanu jaalliyadda reer Somaliland ee UK ku dhaqan ka codsanaynaa in ay si mugle uga soo qayb galaan bannaan-baxan taariikhiga ah idinkoo sita calamadiinna iyo boodhadhkiina. Waxaanu idin xasuusinaynaa in aad ilaalisaan nidaamka bannanbaxa iyo amniga. Lama oggola in la soo qaato boodhadh lagu qoray hadal aflagaada ah

Wixii tafaasiil ah ee bannaan-baxa ku saabsan kala soo xidhiidh:

Website ( blog ) www.somaliland-rally-uk.tumblr.com

Facebook : https://www.facebook.com/events/1139637699390623/

Email:       Somaliland-Rally2016@outlook.com

Mobile

07508761815
07931821364
07404734785

Guddida qabanqaabada 18 May ee UK