Samo Talis Xaaji Cabdi Waraabe Oo Talooyin Dhaxal Gal Ah Ku Waaniyey Salaadiinta Iyomadax Dhaqameedka Luuqadda Qabyaaladda Ah Bulshadda Kula Hadla.

Hargeisa(GNN):-Odayga Qaranka Somaliland ee Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), ayaa Madax dhaqameedka hadaladda Xanafta leh ee Qabyaaladeysan Bulshadda Warbaahinta u la soo fadhiista u jeediyey waano iyo talooyin dhaxal gal ah oo uu ugu baaqay inay kaga fogaadaan arimaha fidnadda bulshadda ku dhextuuraaya, waxaana kale oo uu baaq u diray Xukuumadda iyo Warbaahinta.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah Mudanaha ugu dada weyn Aqalka golaha Guurtidda ee Somaliland, ayaa wareysi uu shalay Magaaladda Hargeysa Wargeyska Saxansaxo ku siiyey, waxa uu talooyin u diray qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo ay ka midid ahaayeen Boqor Maxamuud Cismaan (Buur-Madow) iyo Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, dhawaan hadalo Xanaf leh Warbaahinta mariyey kuwaasi oo uu ka waaniyey inay arimo noocaasi ah ku kacaan, waxa kale oo uu bulshadda ugu baaqay inay diwaangelinta codbixiyaha ee dalka ka socota u soo baxaan oo is diwaangeliyaan isaga oo Xukuumadda iyo Warbaahinta fariimo u kala diray.

Samo Talis Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ugu horeyn ka hadlaayey ahmiyadda Nabadgelyadu Shacabka Somaliland u leedahay iyo doorka Madax dhaqameedka looga baahan yahay waxa uu yidhi “Waxaan u soo jeedinlahaa Madax dhaqameedka, Boqoradda, Suldaanadda, Caaqiladda iyo Cuqaasha reer Somaliland oo dhan inay nabadgelyadda ka shaqeeyaan oo wada jirka ha laga shaqeeyo, waxaan leeyahay Culimo awdiinku waddoodii waa hayaan oo Illaahay haw barakeeyo Diinta inagana haynagu anfaco habeen iyo waa waa ina la hadlayaane oo ninka Culimo awdiinka maanta maqli waaya waa nin diintii ka baydhay oo qoladii halaagtan tahay raacay oo wax kasta kow waxa ka ah nabadgelyadda ay ka hadleen, isku imaatinka ayey ka hadleen oo Ascaarta Xalaasha ah in la cuna ayey ka hadleen oo hadaladda kii macaan ee aan dadka dhibayn in lagu hadla ayey ka hadleen oo tan iyo markii Nabi Aadan (CSW) la uumay ayey kaga soo bilaabeen”

Oday Xaaji Cabdi Waraabe oo hadalkiisa sii wata waxa uu iydhi “Waxa weheliya Madax dhaqameedka oo waa inay Iyana tartamaan ee in lagu hadlo wax dadka kiciya maaha ee waa mamnuuc oo nimcadda ayuu daadinayaa kaasi ninkii gees mara wadada , waxa kale oo wheliya madax dhaqameedka iyo Salaadiinta , waxa loo sameeyey inay umadda u dhexeeyaan oo ay dawladda iyo dadka u dhexeeyaan oo kolba dhinicii qaldan yihaahdaan waar ada qaldan ee wax aka daaya, maaha in Madax dhaqameedku iyagu fidnada abuuraan oo hadal qadhaadh yidhaahdaan oo dadka kiciyaan waa mamnuuc oo maaha”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) Xukuumadda fariin u diraayey isla markaana shacabka Somaliland ugu baaqay inay is diwaangeliyaan waxa uu yidhi “Xukuumaddana waxaan leeyahay meeshii qaloocan ku dhiirada nin kasta ha noqdo oo ninkii baydha ee waddanta dawladnimadda Somaliland inaga wareemaaya wax ha laga qabto oo yaanu inaga adkaan nin qaloocan ee wax ha laga qabto oo Ictiraafkii dad ina ictiraafayna waa jiraan inta kalena way inoo imanaysa ee oo dhaqso ayey inoogu imanaysaa oo heerka ay maanta mareysa mid la taa taabto maaha oo Codka lagu guraayo iyo Kaadhka la qaadanaayo ha loo dedaalo nabadgelyona ha ku socdo waa muran la’aan kaasi ee Kaadhka Diwaangelinta Codbixiyaha qumaati ha loo qaato oo qoladda Koomiishanku si wanaagsan ayey u wadaane sidaasi ay u wadaan haw wadaan”

Xildhibaanka oo Salaadiinta Boqor Buur Madow, Suldaan Xasan iyo kuwa Madax dhaqameedka reer Somaliland waanooyin u diraayey waxa uu yidhi “Salaadiinta anigu cid magac dhebi maayo, laakiin ninkii wax qaloocan ku hadla waxaan leeyahay Boqor Buur-Madoow waa nin weyn oo la yaqaan ee ha ka noqdo hadii uu wax qaldan ku hadlay, anigu waxba kama maqal waxase la leeyahay hadalo Baydhsan ayey ku hadleen (Boqor Buur Madaw iyo Suldaan Xasan) oo wax xukuumadda ka baydhsan ayey ku hadleen ee ha ka noqdeen oo Xukuumadda iyo Dawladdu waa salaam ee nin madax ahi yuu Salaanka ka qaadin oo nin hogaamiye dhaqameed Boqor, Suldaan ama Caaqil ah oo wada gooni ah maray ma hagaagsana, ka noqda ninkii hadal qadaf ah yidhiyoow, waayo goor aynu kala baydh baydhno ma joogno ee waa in aynu isku duubnaano”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ugu dambeyn Warbaahinta Somaliland gaar ahaan kuwa wararka aan bulshadda ku habooneyn ee kala geynta ah u baahiya kala talinaayey waxa uu yidhi “Dhalinyaradda dawladnimadda u soo socota in uu qaarba meel maro maaha ee waa inay isku duubnaato , qoladda wariyayaasha ahi ha rabaysmeen waa liibaanayaane oo inamo badan ayaa kacaaya oo dawladnimaddii idinka ayey idinku soo socota ee hadal qaloocan oo xun ha qorina ee iska ilaaliya hadalka oo Suxufiyiintu iyagu hadalka xun haysta ilaaliyeen ,waa maro maxamuudi ah maanta oo maro maxamuudi ah waxa ku dhacaana qumaati ayey u muuqdaan oo ninka gooni u hadla wuu muuqanayaa hadii uu Suxufi yahay iyo hadii uu hogaamiye madax dhaqameed yahayba, waxaan leeyahay waar wanaaga yaan nay laga taataaban oo taageero maahe yaan wax kale xukuumadda loo yeelan”

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Almis