Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeisa Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyey Boodhadh Lagu Dhajiyey Shaaricyada Iyo Wadooyinka + Qorshayaasha Looga Danleeyahay.

Hargeisa(GNN):-Todobaadkii u danbeeyey Ayaa Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeisa Afkaaro iyo Aragtiyo kala Duwan ka Bixiyeen Boodhadh Lagu Dhajiyey Shaarciyada Iyo Wadooyinka Waaweyn ee dhexmaray caasimada somaliland ee hargeisa, boodhan wayn oo ay ku sawiran yihiin laba dumar ah iyo laba ragg ah, ayaa xagga hoose ciwaan looga dhigay “WAR LA HELYAABA TALO LA HEL” Bulshadu fajac iyo yaab iswaydiimo farabadan ka dib qofba dhinac ayaa u macneystay, dadka aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in boodhkan ay ka danbeeyaan haayado gaalo islamarkaana dumarka kala dagaalamaya dasha ama uurka, qorshayaasha ka danbeeyaana ay yihiin in bulshadu fasirato gabadhan yaaban ee sawirka ka muuqata iyo mushkilada haysata, shacabka ayaa iyana isla dhexqaadaya in sawirkan looga danleeyahay in lagu faafiyo isticmaalka cijirka laysugu galmoodo ee looyaqaan condomka,
Dagaalka Qaawan ee kasoo horjeeda dhinaca diinta islaamka bulshada dhaawac weyn ku ah oo aaney jirin ilaa hadda Dhinaca xukuumada masuul arrintaasi ka haddlay, ayaa waxaanu isku dayney si aanu wax uga ogaano arrintan Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland inaanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhno, Kadib Markii aanu wayney meel loo raaco boodhkan iyo qorshaha looga danlahaa si bulshada loogu gudbiyo, iyadoo aanu jirin wax magac ama logo ah oo ku qoran boodhkan marka laga reebo shirkada Daabacaada Asal oo iyadu daabacday magaceeduna xaga hoose ka muuqdo mooyaane.Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka mudane saleebaan jaamac diiriye Waxa uu noogu jawaabay markii aanu waydiiney ujeedka boodhkan shacabka khalkhal galiyey in cidii boodhkaasi ku xidhay suuqyada ay raadco ugu jiraan islamarkaana ay raadinayaa,

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray “Aadan Siiro” oo Kamida Culimada waaweyn ee dalka ayaa jimcihii inasoo dhaafay khudbadii jimacaha kusoo qaatay inay dalka joogaan haayado mashaariico farabadan kusoo qaatay La Dagaalanka dhalmada hooyada iyo dhasha muslimiinta ee tarmaya, waxaana uu sheekhu si qoto dheer uga waramay dhibaatada ka dhalankarta iyo danbiga laga galayo shacabka maatida ah iyagoo ku gafaya diintii iyo caqiidadii umada muslimiinta ah,
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee ay dalka ka dhacaan falalka noocan oo kale iyadoo ay hore u jireen haayado shisheeye oo mashaariico ay dheef ka helaan usoo qaatay si loola dagaalmo in hooyada caloosheeda wax ilmo ahi galo, waxaana hore u jiray haayada la yidhaahdo PSI oo hore iyadu dalka u keentay kiniin ay ula magac baxeen kalakoriye oo iyagoo dhinaca haweenka ka maraya shacabka loogu fasiray inuu kala korinayo ubadka balse bulshadu waxyar kadib dareentay dhibaatada uu leeyahay iyo inuu yahay dawo lagula dagaalamayo inuu ilmo caloosha hooyada galo, intaas kadibna talaabooyin ay qaadeen haayada ku shaqada leh ee dawladu waji kale ay kagaga soo wareegtay, dhibaatadiina ilaa hadda ay jirto,
Waxaana saameyn xoogan ku yeeshay Shacabka kaladuwan ee reer somaliland kiinanadan lagula dagaalamayo dhalmada si xad-dhaaf ah dalka looga hirgaliyey, hadba boodhkan ayaa dadka intiisa badan u tirinayaan inuu xidhiidh la leeyahay ururadaasi gaalada ah ee umada muslimiinta ah duulaanka ku ah.
halkan ka daawo sheekh aadan siiro oo Qoto dheer uga hadlay inay jiraan haayado arriman ka shaqeeyaa.

La Soco Warbixinaha La Xidhiidha Arimahan Lidiga Ku Ah Diinta islmaarka iyo Dhaqanka Umada Muslimiinta ah.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Almis.