Somaliland: Halista Caafimaad Ee Taawarrada Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Hayaan Shacabka Iyo Guryo Looga Qaxay Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Dadka ku Geeriyooday Guryaha ku yaalla Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa, ayaa Geeriyadooda loo nisbeeyay Xanuuno ay ka qaadeen Shoocaaca ka soo baxa Taawarrada Guryahooda ku dhow, sida ay sheegeen Dad wax ka ogaa Xanuunnada ay u geeriyoodeen Dadkaasi.

Guryaha Taawarradu ku dhow yihiin ee Qaarkood Dadku ku dhinteen, ayaa Haawanaya isla-markaana aanay Cidna kireysan, halka Dadkii ku noolaa Guryaha ku dhow Guryaha dadku ku Geeriyoodeen qaarkood ka guureen halkaa, iyaga oo ka cabsi qaba in halis Caafimaad ka soo gaadho Taawarradan.

IMG_0914
“Dhibaato ayay nagu hayaan Taawarradu, Gurigaa aad arkeysaanna waxa laga qaaday Laba Nin oo ku dhintay.” Ayuu yidhi, Mid ka mid ah Dadka Deggan Xaafaddaasi, isagoo Saxaafadda oo halkaa Shalay booqatay farta ugu tilmaamaya Guri uu dhiniciisa ku yaallo Taawar weyn, kaas oo uu sheegay inuu xidhan yahay oo aan Cidna gelin tan iyo markii Dadku ku dhinteen.

Muwaadinkan, oo sii hadlaya, ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in Taawarrada dibadda looga saaro Magaalada, si loo badbaadiyo Caafimaadka iyo Nolosha Dadweynaha.

Dad kale oo Deggan Xaafaddaasi oo Saxaafaddu weydiisay inay wax dhibaato ah Taawarradu ku hayaan, ayaa sheegay in Qoysaska Deggan Xaafadda Taawarradu ku yaallaan ka siman yihiin, Madax-xanuun joogta ah iyo Hurdu la’aan.

Taawarradan Dadku ka cabanayaan, ayaa ah Afar Taawar oo ku wada yaalla Xaafad keliya, iyagoo isku jira Mastaafo aad u yar.

Aragtida Aqoonyahanka

Eng. Maxamed Cabdillaahi Yaasiin oo ah Muwaadin Aqoon u leh Qalabka Isgaadhsiinta ee Taawarradu ka mid yihiin oo Sannadkii 2014-ka u warramay Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa faahfaahiyey Calaamadaha lagu garto Taawarrada dhibaatada Caafimaad u keena Aadamaha iyo kuwa aan Wax dhibaato ah lahayn.

Eng. Maxamed Cabdillaahi oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi,

“Haddii Qofka ay ku dul-xidhan tahay Birta (Taawarku) uu shakiyo oo uu is yidhaahdo Birtani Caafimaad daro ayay kuu keenaysaa, Calaamadda ugu horeysa ee lagu garto Waxyeelada (Taawarku) waa Madax-Xanuun iyo Oon Faro badan oo aad dareemayso, Adiga oo aan Oomaneyn.”

Eng. Maxamed oo Tusaale kale ka bixinaya Calaamadaha lagu garto Waxyeelada Caafimaad ee Taawarrada Isgaadhsiinta, ayaa sheegay, “Imika oo kale waa Xilli Roobaadkii, Haddii uu Qofka birtu ku dul-xidhan tahay uu shakiyo, subaxdii marka uu kaco ee uu dibadda u baxo, haddii uu taabto Albaabka ama shay kale oo bir ah wuxuu dareemayaa sida in Laydh qabsaday oo kale oo Jac buu odhanayaa. Sidoo kale marka Uu Hurdada ka tooso wuxuu dareemayaa Madax-xanuun, isagoo 12 Saacadood hurday ayuu jidhkiisu dareemayaa Daal u eeg inuu Cararrayey.” Ayuu yidhi,

Xigasho:-Wargeyska Himilo

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Almis