Wasiirka Wasaarada Warshadaha Oo Safar Shaqo Ku Jooga Gobolka Saaxil Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Warshada Cusub Oo Samayn Doonta Jiingadaha Iyo Birta.

Berbera(GNN):-Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Mudane Shacayb maxamed Muuse oo hawlo shaqo ugu maqnaa gobolka saaxil gaar ahaan magaalada berbera, ayaa dhagax dhigay warshad cusub oo laga hirgalinayo gudaha magaalada berbera, waxaana munaasibadan warshada lagu dhagax dhigayey ku wehelinayey Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil, Iyo Maareeyaha Shirkadan Cusub Maxamed cali, Waxaan Maalgalinta warshada cusub leh Shirkada Oomaar oo Hore Dalka uga hirgalisay ganacsiyo aad u tiro badan.

13054791_1571127756551229_29856820_o
Ugu Horay waxaa halkaasi hadalo kooban oo dhiirigalin ah kasoo jeediyey wasiirka wasaarada warshadaha somaliland isagoo sheegay in warshadahu faaiido badan u leeyihiin horumarka dalka iyo shaqo abuurka, sidii kalena ay wax soosaar kusoo kordhinayaabuu yidhi dalka,13072039_1571128336551171_671536824_o

Waxaanu balan qaaday inay soo dhaweynayaan Dhammaan dadka jecel firadahan lagu abuurayo warshado cusub oo dalka laga hirgaliyo,
sidoo kale Maareeyaha Dekeda magaalada berbera oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey dhagax dhiga warshadan oo nasiib ay u heshay magaalada berberi,
Badhasaabka gobolka Saaxil oo isna hadlo kooban kasoo jeediyey ayaa soo dhaweeyey furitaanka warshadan la dhagax dhigayo.
13016385_1571128779884460_1028611778_o

 

13054883_1571128439884494_1113669717_o

13062724_1571127873217884_1917248602_o

13063984_1571127809884557_1633075306_o

Berber Somaliland

Gabiley News Network

Axmed Almis