Xafiiska Hantidhawrka Guud Ee Qaranku Maaha Xafiis Qofba Sida Uu Doono U Sharaxo Waa Xafiis U Xilsaaran Ilaalinta Iyo Dabagalka Hantida Qaranka,

Hargeisa(GNN):- Afhayeen Xafiiska Hantidhawrka Guud Qaranka Somaliland Ayaa Warsaxaafadeedd Uu Maanta Soosaaray Kaga Hadlay Hab-nidaameedka Shaqo ee uu Qaranka U xilsaaran Yahay Xafiiskani,
Waxaanu Waxaan Quruxbadneyey Ku Tilmaamay In Dadk aan aqoonta u lahayn horta bartaan xafiiska iyo sida uu u shaqeeyo ka hor inta aaney qof sida uu doono u fasiran,
Hantidhawrka guud ee qaranka somaliland waa xafiis u xilsaaran ilaailnta iyo dabagalka Hantida Qaranka somliland, Hadh iyo habeen waa xafiis heegan ugu jira ilaalinteeda, lkn Maaha xafiis hawlihiisa kagaga faana Media iyo tvyada Balse waa xafiis Hawlihiisu Shaqadiisa iyo Shaqaalihiisa ay ka markhaati kacayaan madaxda Maamulka dalkani, in cid aan aqoon loolahayn layska dhaleeceeeyaa waa nasiib darro daawac ku ah dadka aragtida gaaban ee inta aan wanaagsaneyey indhahoodu arkaan,
Waxaanu si adag uga jawaabay eedaymo lagu daabacayo qaar kamida shabakadaha dalka oo ku sheegay inay yihiin dad aan waxba hubsan isla markaana cid gaar ahi adeegsaneyso, xafiis ahaana aaney dhib weyn ku haynin in cid aan xafiiska garaneyen meel uu ku yaalaa, inay meelahaaa wax alla waxa ay doonto ay iska tidhaahdo ama ay meelahaasi ku qorto,
Xafiiskan Shaqadiisu waa shaqo aad u xasaasi ah kama warano cida aanu baadhayno iyo sida aanu baadhayno, balse waxaanu ka marnaa cidkasta oo aanu ku helno isagoo hantidii qaranka u adeegsaday sifo qaldan Sharciga iyo shuruucda ka yaala dalkan.

Ma Jiro shaqsi ama cid uga aqoon iyo waayo aragnimo badan Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Mudane Maxamuud oo 45 sano uu danbeeyey shaqadan ka soo shaqeynayey, islamarkaana kagaga soo shaqeeyey dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Maaha shaqsi si fudud ugu dulqaadan karan arrin musuq masuq oo dalka ka dhacda, cida aan aqoon u lahaynise waa laga yaabaa inay waxa ay doonto ku tilmaamto, kuwo yidhaahda xafiisku ma shaqeeyo, iyo kuwo yidhaahda xafiisku madaxtooyadaa maamusha, Waxaasi lkn majiri doonto shaqada iyo culeyska hawsha uu qaranka u hayo mid ka hor istaagaysa.
Isku Duubnida iyo Hawl karnimada hay’ada hantidhawrku waa mid marageeda ay furidoonto cidkasta oo indhahoodu caafimaad qabaan, xaasha maaha xafiis madaxdiisa iyo shaqaalahiisu laaluush ka qaataan cida ay baadhista ku sameynayaan lkn waxay ka maraan waajibkooda shaqo ee uu xeerku kala xadeeyey,
Waa Xafiis Ku Dhisan Hubsiimo iyo dabagal Dhab oo aan cidna sharaftiisa iyo sumcadiisa si dhib yar looga duudsiyi karin ilaa aanu xaqiin dhab ah kasoo saarno baadhisahayaga, kii aanu ku helna sharciga ayaanu horgeynaa kii qaranka si fiican ugu shaqeynayna waa ku amaanan yahay oo waxaanu leenahay wada shaqayn wanaagsan.
cooltext155039572897262