Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADANI Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Ujeedada Socdaalkiisa Iyo Hankiisa Siyaasadeed Ee Ku Aaddan Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga WADANI

Hargeysa(GNN) -Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANi mudane Cabdirashiid Xasan Mataan oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa qar kamida wadamada yurub ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Waxaana xoghaye Cabdirashiid Xasan Mataan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADANI cuqaal, waxgarad iyo taageerayaasha xisbiga WADANI.
Waxana Cabdirashiid Xasan Oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay ujeedada uu daranaa safar uu ku tagay wadamada yurubta isaga oo sheegay inuu kulamo lasoo qaatay maamulka iyo taageerayaasha xisbiga WADANI ee wadamada yurubta waxaana uu yidhi
“Waxa uu ahaa safar gaaban oo ay muhiimadiisu ahayd isbarasho taagerayaasha xisbiga WADANI oo an isku cusbayn iyo inaan xoojino danaha xisbiga, waxaan kulamo lasoo qaatay maamulka iyo taagerayaasha laamaha Germany,Sweden,Uk,iyo kuwa imaaraadkaba, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dadkii aan halkaa kula kulmay waxaan ku boorinayaa dadaalkii ay ugu jireen ka midho dhalinta hamiga xisbiga oo ah sidii isbadal muuqdaa uga dhaci lahaa dalka waxaan leeyahay aad iyo aadbaan u mahadsan tihiin halkaasna kasii wada dadaalkiina”Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Dhanka kalena Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed eek u aadan inuu ka qayb galo tartanka musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADANI Waxaana uu yidhi.
“Wax alaale wax iga celinayaa ma jiro habayaraatee tartanka doorashada musharaxnimda, waxaanan wax ka odhanayaa wakhtigeeda marka la gaadho Ayaan ka hadlayaa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdirashiid Xasan Mataan.
Si kasteba ha ahaatee Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isagu mudooyinki u danbeyeey socdaalo kala duwan ku marayay qaar kamida wadamada yurubta isaga oo kulamo kala duwan lasoo yeeshay maamulka iyo taageerayaasha kala duwan ee laamaha wadamada yurubta.

Gabiley.net

Office Gabiley