Abwaan Axmed Cismaan Batuun Oo Maanso La Magac Baxday ” Isku Raran” Kaga Waramay Dhacdooyinka Isbedbedala Nolosha Iyo Wakhtiga.

Hargeisa(GNN):-Abwaan Axmed Cismaan Batuun Oo Maanso La Magac Baxday ” Isku Raran” Kaga Waramay Dhacdooyinka Isbedbedala Nolosha Iyo Wakhtiga Iyo Sida Loogu Baahan Yahay Inu Bulshadu is Xaal Ogaato..Waxaana halkan iyada oo qoraal ah uu inoogu soo gudbinayaa qaybta koowaad ee maansada.

13250481_496968463826047_961894218_n

Waxaaney Maansadani Tidhi:-
bal dariiqan soo raac
inta ruux miskiiniyo,
rixinlaawe buuxdee,
dantu ricidho goyseen
risiq eebe mooyee
qofna roodhi siinayn,
bal xagaa usii raac,
inta hooyo raranoo,
masaariifta ridatoo
ku rafaadsan milicdaa
Rajay iyo agoomana
U rogragysa dhawr kiish
cashuurtiina laga rabo
dhiishay riixanaysiyo
kaaryoonka laga rogay,
bal xagaa u soo raac
inta raas danlayoo
rabigooda mooyee
cid u rooni jirineen
rubbi cidi u dhiibayn
raqaskana dhex jiifee
ku raaxaysta gaajada
calankaa ruxmaayana
rajadoodu ay tahay
mar inay ku raystaan,
bal dhankaana soo raac
inta geesi roganoo
u rafaaday maandeeq
cidi aanay rabinee
nacas raaxo jecel iyo
afmiinshaarku raamsaday,
bal xusuusta raadcee
inta aan raqdoodiyo
laga haynin ruuxee
u rawaxay xornimadee
raadcada tafiirtiyo
raganimo xus daayoo
aan la raacin faataxo,
Inkastoo la reeboo
laga raysatay xumihii
Oo raasku nagi yahay
Ruclada iyo orodkiyo
rabitaanka shacabkuna
Rasmi yahay dhamaantii
raarta boodhka yaaliyo
An rushayno siigada
Daaradeena raarane
isku raran iskeed raran,
runta maysu sheegnaa….? …

MAASADA ISKU RARAN…

AbwaanAxmed

cisman batuun.

Hargeisa Somliland

Axmed Osman

Gabiley News Network