Aqoon Yahan C/qaadir Muuse Cige Oo Shaaciyey Hankiisa Musharaxnimo Ee Golaha Wakiilada Somaliland 2017.

Hargeisa(GNN):-Musharax Cqaadir Muuse Cige ibraahin Oo Shaaciyey Inuu U Sharaxan Yahay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland
Aqoonyahankan oo Bartay Culuunta Maamulka Iyo Maaraynta Ayaa Dhawaan shaaciyey inuu u sharaxan yahay xubnaha mudanayaasha aqalka golaha wakiilada somaliland ee sugaya doorashada 2017
Aqoonyahan c/qaadir muuse oo kamid ah dhalinyarta aadka u firfircoon ee dalka waxbadan kasoo qabtay ayaa xilal kaladuwan kasoo qabtay ururada madaxbanaan iyo hay’ada miina baadhista somaliland oo uu ka gaadhay heer maamul,
Siyaasigan Dada yar ee isu diyaarinaya inuu golaha shacabka ka mid noqodo ayaa kadib markii uu la tashaday beelaha uu kasoo jeedo cuqaasha iyo waxgaradka. taas oo laysla qaatay in reer ahaan uu aqoonyahankani noqodo ninka u matalaya shacabkooda doorashada lafilayo inay qabsoonto,
final qaadiro
Waxaana Odayaasha iyo cuqaasha, salaadiinta beeshiisu ku amaaneen dadaalka iyo horumarka uu sameeyey wakhtigii uu jiray waxaaney ilahay uga baryeen inuu xilkaasi ku guuleeyo isla markaana noqdo kii shacabkiisa iyo deegaankiisa waxtara,
Dhinaca kale xildhibaanka u taaagan jagada xubinimo ee golaha wakiilada mudane c/qaadir ayaa shacabka u balan qaaday inuu waxweyn ka bedeli doono marxalado badan oo reerka gudahiisa ah,
Waxaanu ilahay ka baryey inuu alle ku guuleeyo musharaxnimadan taas oo buu yidhi aaney igu jirin in gaabsi iyo waxqabsi gaara uu hamigan igu dhaliyey balse, dhibaatooyinka farabadan ee ka jira golaha sharci dajinta islamarkaana uu kusoo kordhin doono fikir iyo aqoon bulshada loogu adeego,
Waxaanu Musharaxu Shaaca ka qaaday inuu iska sharaxi doono xisbul xaakimka dalka ee Kulmiye oo ku Tuhmayo Waayeel siyaasadu biyo dhigtay iyo dad karti.
Sikastaba Ha Ahaatee waxaa la filayaa in musharaxan iyo musharaxiin kale oo hore u shaaciyey hankooda musharaxnimo ay ka qayb-qaataan dhalinyarta lagu hanweyn yahay inay wax ka bedel kusameeyaan golaha sharcidajinta somaliland oo ah rukunada ugu muhiisan ee qarankan somaliland.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network