ARDAY KAALMAHA HORE KA GASHAY TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH EE MADAARISKA CABDILAAHI BINU CABAAS OO LA GUDOONSIIYEY ABAAL MARINO KALA DUWAN+DAAWO SAWIRADA

Hargeysa(GNN):-Arday kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka kariimka ah oo sanad kasta loo qabto ardayda wax ka dhigata madaariska Cabdilaahi Binu Cabaas ee magaalada Hargeysa ayaa maanta la gudoonsiiyey abaal marino kala duwan.

Munaasibada ardaydan lagu gudoonsiinayey abaal marinada kala duwan oo maanta lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Aljazeera ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka iyo macalimiinta madaariska, ardayda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

DSC05749(2)
Maamulaha guud ee macaahida Cabdilaahi Binu Cabaas Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Jaamac oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey ujeedooyinka ay lahaayeen tartanka quraanka kariimka ah, waxaanu hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaan tilmaami lahaa dedaalka aynu soo galnay iyo tartankii quraanka ujeedooyinkii aynu ka lahayn waxaana ugu horeeya inaynu quraanka ilaahay kor u qaadno, waxa ka mid ahaa inaynu ardayda ku dhiiri gelino xifdiga quraanka kariimka ah, waxa kale oo ka mid ah inaynu muujino ahmiyada uu leeyahay qofka quraanka xafidaa, waxa kale oo ka mid ah inaynu dhalinyarada wakhtigooda uga faa,iidayno oo aynu ardayda barno dhaqanka wanaagsan ee suuban, iyada oo maalintii shalayna aanu soo xidhnay dawro ay ka qayb galeen 90 arday, waxa kale oo ka mid ah in la soo saaro cajaa,ibta ku jirt ardayda, kartidooda, hankooda iyo himiladooda, waxa kale oo ka mid ah ahdaafta inuu muuqdo kaalinta ay madarasadu kaga jirto bulshada iyo sida ay u soo saarayso ubaxa dhawrsoonidu ku jirto iyo inaynu ardayda ku dhiiri gelino wax kasta oo horu mar u keenay.”

DSC05749(2)
Sidoo kale maamulaha guud ee madaariska Cabdilaahi Binu Cabaas Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Jaamac ayaa ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee uu tartanka quraanku soo maray waxaanu yidhi “Tartankani waa mid sanadka oo dhan la qabto oo socda,labadii todobaadna mar ayaa la qabtaa laakiin bisha ugu danbaysa ayaa la soo gaba gabeeyaa, qaybaha ay araydu ku tartamayeen waxa ka mid ahaa sodonka jis, labaatanka jis, tobanka jis iyo shanta jis, waxaana sanadkan ku soo kordhay tajwiidka iyo tartiilka oo ardayda lagu barayey inay yeeshaan cod fiican, waxanan maanta abaal marino iyo shahaadooyin gudoonsiinaynaa 57 arday.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi, Cabdilaahi Cali Askar, Sheekh Cabdiraxmaan Iyo Sheekh Siciid Jibriil Gaaxnuug, kuwaas oo dhamaantood ka waramay muhiimada ay leedahay inay caruurta lagu barbaariyo barashada quraanka kariimka ah, waxaanay dardaarano kala duwan u soo jeediyeen maamulka, macalimiinta iyo waalidiinta ardaydoodu dhigtaan madaariska Cabdilahi Binu Cabaasi.
Ugu danbayna waxa munaasibadaasi abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka kariimka ah ee ka socday madaariska Cabdilaahi Binu Cabaas.