C/raxmaan Cirro oo dhaawac weyn u geystay Qaranimada Somaliland

Minneapolis (Gabiley.net) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane C/raxmaan Cirro oo beryahanba booqasho ku joogay wadanka Maraykanka gaar ahaan Minneapolis ayaa waxa uu u geystay dhaawac weyn qaranimada Somaliland.

C/raxmaan Cirro ayaa lagu casuumay guriga Senets-ka Minneapolis kaas oo uu kulan la qaatay madaxdaas, ka bacdina waxa uu sawir taariikhi ah la galay madaxdii kaas oo karaamo jab ku ah qaranimada Somaliland.

Guddoomiye Cirro iyo Guud ahaan xisbiga WADANI waxa la gudboon in uu raalin galin ka bixiyo waxa uu calanka Somaliya oo dhabarkiisa ka muuqda uu u ogolaaday inuu sawir ku galo.

Sawirkan oo aanay wali Xisbiga Wadani ka hadal ayaa waxa la sugaaba ay tahay waxa uu  guddoomiye Cirro kaga jawaabi doono sharaf dhaca uu u geystay Qaranimada Somaliland iyada oo ay dhawdahay xafladii 25 guuradii ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland.

ciroiyosomaliweyn