Daawo:Ciidamada Kala Duwan Ee SL Oo Dadaal Dhabar Adayga u Galay U Diyaargarowga Xuska 18 May.

Hargeisa(GNN):-Iyadoo Muddo Saddex Maalmood Ahi Ay Ka hadhan yihiin Xuska Munaasibada Gooni isutaaga Qaranimada Somaliland, Ayaa Ciidamada kala duwan ee somaliland, oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka Somaliland Ay dadaal dheer u oo dhabar adayga u galeen Soo dhaweynta Munaasibadan Balaadhan, Waxaana Subax Kasta Afartii Bilood ee U Danbeeyey Shacabka reer somaliland Gaar ahaan magaalada hargeisa oo aan xogogaal u ahay ku baraarugi jireen dhawaaqa Musiga Baanboyga Iyo Gaada ka ciyaarka Cududa Ciidamada kala duwan oo Cududooda la Dareemayey kuwaasi oo usii tababaranayey Xuskan maalintan qaran oo ay wacdaro ka dhigi doonaan, Kuwani Waa Guutooyin ka Tirsan Ciidamada Somaliland ee Ku Sugan Caasimada Hargeisa Oo Waa Subaxdii Hore ee saaka iyagoo usii tababaranaya, Dhoolatuska maalinta 18may.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed osman Almis