DAAWO: Madaxweyne Siilaanyo oo Fuliyay Amarkii Wasarada Duulista ,Aqalka Madaxtooyada oo laga Ambabixiyay.

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo saaka ka dhoofay dalka si uu uga qayb galo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti ayaa waxa uu fuliyay amarkii wasaarada duulista oo ahaa inaan madaxda dalka lagu soo dhawayn laguna sii sagootin doonin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.
Hadaba madaxweynaha oo sida caadadu ahayd salaan sharaf ciidanka kaga qaadan jiray gudaha Garoonka diyaaradaha ee Cigaal isla markaa boqolaal qof sii galbin jireen ayaa saaka hawlahaas oo dhan ku dhamaystay aqalka madaxtooyada isagoo si toos ah uga baxay garoonka diyaaradaha.
HALKAN KA DAAWO.

GABILEYNEWS NETWORK.