DAAWO SAWIRADA :JAALIYADA SOMALILAND EE WASHITON IYO NAWAAXIGEEDA OO SI MUGLEH UXUSTAY MUNAASIBADA 18KA MAY.

Washiton (GNN) Magaalada Washington DC waxaa lagu qabtay habeenkii Jimcaha May 20, 2016 xaflad ballaadhan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Somaliland ee Gobollada Virginia, Maryland iyo magaalada Washington, xafladdan ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen marti kala duwan oo metelaya qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Washington DC iyo gabolada u dhow dhow.

Fannaanka caanka ah, Nuur Daalacay iyo fanaaniin kale oo ka kala yimi gobollada Maraykanka ayaa jaaliyada reer Somaliland kala qaybgalay xafladdan, sidoo kale fanaaniin caddaan ah ayaa qaarkood ay heeso ka qaadeen xafladda lagu xusayey sannadguurada 25aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday

Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Maraykanka Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur ayaa hadalo ka jeediyey xafladda kuwaas oo ku dheeraaday midnimada iyo wadajirka umadda Somaliland sidii loo adkayn lahaa.

Gebagebadii Xafladda ayaa shahaadooyin lagu maamuusay qaar ka mida dadka doorka fiican ka qaatay horumarinta qadiyadda  Somaliland iyo halgankii dheeraa ee lasoo marayba.

Xafladan oo nooceeda oo kale aanay hore uga dhicin Washingotn DC  ayaa jaaliyadii kasoo qayb gashay ay ka muujiyeen farxad iyo soo xoojin loo sameeyey maalinta qaranimada Somaliland.

Intaas ka dib jaaliyada Somaliland iyo marti-sharafta kaleba, maaweeliyey fanaaniinta kala duwan ee xafladdan ka soo qayb gashay.

Washington DC Metro