DAAWO:Madaxweynaha JSL oo Maanta Si Wayn Loogu Soo Dhoweeyay Caasimadda SL ee Hargeisa + SAWIRO.

Hargeisa (GNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa ku soo laabtay dalkiisa hooyo ee Somaliland galabta.
Madaxweynaha iyo weftiga wehelinayey oo madaarka ay ku qaabileen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Taliyayaasha ciidammada kala duwan iyo xubno kooban oo wasiirro ah, waxa si ballaadhan u soo dhaweeyey shacabka kudhaqan caasimadda dalka ee Hargeysa, kadib guusha wayn ee uu ka soo hooyey maalgashiga dekedda Berbera oo weftigu heshiis kula soo galay shirkadda DP World ee dawladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan dekedaha. Waxaanna kumanaan iyo kumanaan dadweyne ay ka muuqatay farxad oo sitay calanka Somaliland iyo caleemo qoyan ku qaabileen iyagoo safnaa hareeraha waddada ka soo baxda madaarka ilaa afaafka xarunta Madaxtooyada, kuwaas oo Madaxweynaha iyo weftigaba ku hambalyeynayey guusha taariikhiga ah ee uu u soo hooyey dalkiisa iyo dadkiisaba.
 

 

Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee dalka ku soo laabtay waxa xubno ka ah Marwada kowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed (Aamina-weris), xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha – Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Duulista Hawada Md. Cumar Maxamed Faarax iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).