Ganacsade C/Raxman Boorre Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Heshiiska Ay Somaliland La Gashay Shirkadda Dp World.

C/Raxman Boorre Oo Markii Ugu Horaysay Bogiisa Twitterka kaga  Hadlay Heshiiska Ay Somaliland La Gashay Shirkadda Dp World, Sidoo Kalena Fariin Diray .

Screen Shot 2016-05-13 at 09.13.56

C/raxman Boorre oo ah siyaasi iyo Ganacsade ka soo jeeda dalka Jabuuti isla markaana ay si wayn isku hayaan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Geelle ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Heshiiska Dhex maray Shirkada Dubai World iyo Somaliland ee Dekedda Berbera .
Siyaasi Boorre ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa Heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World .
Siyaasi C/raxman Boorre ayaa qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aanay habooneen in xisbiyadda Siyaasadda Somaliland ay maanta ku kala aragti duwanaadaan Heshiiskaasi, isagoo ku baaqay in Dhamaan Reer Somaliland u midoobaan Heshiiskan .
“ Maanta Maaha kolkii ay Xisbiyadda Siyaasaddu kala aragti noqon lahaayeen, Horumarinta Maarsadda Berbera, waa arinta ugu mudan uguna sareysa ee ay tahay inay dhamaan reer Somaliland u midoobaan” Ayuu Qoraalkiisan oo ku qornaa Af English balse aanu soo turjunnay uu ku yidhi Siyaasi Cabdiraxnaam Boore