Gudiga Citiraaf raadinta Uk oo warsaxafadeed soo saaray ku saabsan halka ay hawsha ictiraaf raadintu marayso.

Gudiga Citiraaf raadinta Uk Waxa farxad noo  ah in aanu idinla Socodsiino halka ay hawshii aad noo xilsaarteen noo marayso iyo waxa ilaa hadda noo qabsoomay.

1.       Waxaanu dejinay qorshihii iyo halkii aanu ka bilaabi lahay hawsha citiraaf raadinta ee naloo xilsaaray.

2.       Qorshaha aanu samaynay iyo wadada aanu Citiraaf raadinta u maraynaa waa mid cusub oo ka duwan qaabkii aynu citiraafka u raadin jirnay 24-kii sano ee la soo dhaafay.

3.       Waxaanu  la xidhiidhnay madax badan oo wadanka Uk ka tirsan oo saaxiib la ah Somaliland.

4.       Shirkii ugu horeeyay ee ay galaan gudiga Citiraaf raadinta iyo madaxdaa taageera qadiyadda Somaliland waxa uu ka dhici doonaa magaalada Sheffield oo ah halkii ugu horaysay ee laga taageero gooni isutaaga Somaliland tan iyo intii aynu dib ula soo noqonay dawladnimadeena.
Shirku wuxuu dhacayaa 13/5/2016. Waxana ka soo qayb gelaya madax kala duwan oo ay ku jiraan MPs, MEPs, Shadow Ministers, Councillors, High profile  political consultants, Sheffield Lord mayor oo isagu shirka martigelyay. Xagga Somalilanders ka waxa ka soo qayb gelaya oo ilaa hadda Confirmation-koodii na soo gaadhay Xubno sar-sare oo ay ka mid tahay Dr Adna Adan. Shirku maaha mid public meeting ah oo dad badani ka soo qayb gelayaan laakiin waa shir kooban oo Madax sar-sare oo  xog-ogaal ahi ay iskaga waraysanayso waxa hortaagan arinta citiraafka Somaliland.

Warsaxaafadeedada dambe ayaanu wixii tafaasiil ah ee intaa dheer idnkula socod siin doonaa.

Wabillaahi Tawfiiq.

Somaliland Recognition committee-UK (SLRC)

NB. Somaliland Recognition Committee

Waa gudi laga soo xulay dhamaan magaalooyinka Uk ee waaweyn.

Gudigu waxay ka koobantahay  dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada somaliland.