Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Amarkii Wasaaradda Duulista Oo Uu Noqday Hogaamiyihii U Horeeyey Ee Fuliya

Madaarka hargeysa waxa goordhawayd ka soo degay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi waxa uu wajahay dariiq ka duwan ka siyaasiyiinta somaliland gaar ahaan Xisbiyada dalka waxa uu si bilaa turxaan ah u fuliyey Go’aankii Wasaaradda Duulista iyo Hawada ay ku joojisay soo dhawaynta Masuuliyiinta iyo sidoo kale in ay ku hadlaan Madaarka dhexdiisa
talaabadan ayaa noqotay mid tusaale fiican u noqota hogaamiyayaasha dhigiisa ah ee xisbiyada kale iyo kuwa xukuumadaba.