Gudoomiye Cirro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Minneapolis MN Ee Dalka Maraykanka + Sawiro

Hargeysa(GNN)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahan gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “cirro” iyo wafti baladhan oo uu hogaminyay oo mudooyinkii u danbeeyeyba hawlo shaqo ku jooga dalka maraykanka aya si diiran loogu soo dhaweeyey magaalad Minneapolis MN ee dalka maraykanka.

Waxana waftigan garoonk diyaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiinta xisbiga WADANI ee dalka maraykanka gaar ahaana Minneapolis MN,jahliyada degan Minneapolis MN iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADANI ee Minneapolis MN.

Gudoomiye Cabdiraxman Cirro waxa uu kulan la qaatay masuuliyiint xisbiga WADANI ee Minneapolis MN iyo waliba tageerayasha xisbig isaga oo la filayo inuu kulana la qaato jahliyada reer Somaliland ee dagan Minneapolis MN ee dalka maraykanka.

12345 6 7 89