Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dagan Dalka Marykanka Gaar Ahaana Magaalada Menasota Oo Si Balaadhan U Xusay Munaasibada 25 Guurada 18 May

menasota (GNN) Habeenkii xalay Ahaa Ayaa waxa Wadan Ka maraykanka Gaar Ahaan Magaalada Menasota siwayn looga Xusay Xuska Shan Iyo Labaatanad Ee Kasoo Wareegtay Markii Somaliland ay Ka Goosatay Wixii La isku Odhan Jiray Somaliwayn 1991 Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Todheer

Munaasibadasi Lagu Xusayay 25 Guurada 18 May Ee Lagu Qabtay Menasota Ayaa Waxa Munaasibadsi Ka soo Qaybgalay Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dagan Menasota Xubno Ka Socday Asxaabta Siyaasada Somaliland Masuuliyiin Kamid ah xukuumada Somaliland Oo Uu Ka Mid ahaa Wasiiruldawlaha wasaarada duulista Iyo Hawada Somaliland Mudane Axmed Nuur Faahiye

Jaaliyada minisota Jaaliyada minisota2.3 Jaaliyada minisota2 Jaaliyada minisota4
Waxayna Dhamaanba Dadkii Munaasibadasi Ka Hadlay Iska Daba Mareen Islamarkaasina ay Ka Sheekeyen Taariikhdii Dheerayd Ee Ay Somaliland soo Martay Iyo Mihiimada Ay Maalintasi 18 may Bulshada Somaliland U Leedahay Waxayna Halkasi Uga Duceeyen Intii U Shahiiday Xoriyada Iyo Nabadgaliyada ay Ku Naalonayso Umada Reer Somaliland

Jaaliyada minisota5
Sidokale Waxa isagu Xusid Mudan siyaasi aadan Maxamed Xaaji Aadan Wali Oo Kamid ah Siyaasiyiinta Dada Yar Ee Reer Somaliland Islamarkasina Kamid ah Qurba Joogta Dagan Menasota Oo Isaguna Halkasi Ka Hadlay ayaa Waxa Uu Ka Jeediyay Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Waxanu Ka Waramay Taariikhdii Losoo Maray Madaxbanaanida Iyo Xoraynta Somaliland Isagoo Dadkii Kasoo Qayb Galay Munaasibadasi aad Uga Qiiraysiiyay una Sheegay in cadawgii shalay Dad Ka Kala ir dheeryay ee shalay inan iyo Abti Gii Kala fogeeyay Uu Maanta  Wajikale soo xidhay
Waxanu Hoosta Ka Xariiqay In somaliland U baahantahay In Cadowga Gudaha Iyo Ka Dibadaba Laga Difaaco Waxana Siyaasi Aadan Wali Uu si Kooban Uga hadalay waayihii Dub U Dhiskii iyo Duruufihii Jiray Wakhtigasi Iyowaliba sidii Beelihii somaliland wada ganaa loo heshiisiiyay

Isku Soo Wada Xooriyo Waxay Munaasibadasi Kusoo Gabagabowday jawi Dagan Iyadoo Farxad Aad U saraysa Laga Dheehanayay Dhamaanba Kasoo Qaybgalayaashii Xuska 25 Guuradii 18 May Ee Menasota
Gabiley.Net
Office Gabiley