Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Magalada Karistad Ee Cariga Sweden Oo Si Wayn U Xustay Maalinta Qaranka Somaliland Ee 18 May+Sawiro

Xuska 18 May Ayaa Xalay Si Balaadhan Oo Maamus Leh Looga Xusay Magaalada Karlstad Ee Cariga SwedenMagaaladan Karlstad Oo Ah Magaalo Madaxda Gobolka Värmlandka Ayaa Si Balaadhan Looga Xusay 18 May

Waxaana Jaaliyada Somaliland Ee Gobolkaasi ay U Noqonaysaa Markii 4 Aad Ee Ay Ku Xusaan Gobolkaasi 18 May Maalinta Calanka Somaliland Dadkii Ka Hadley Xaflada Ayaa Dhamaantood Ku Dheeraaday Qiimaha Ay 18 May U Leedahay Shacabka Reer Somaliland

Waxayna Is Xasuusiyeen In Calanka Dhib Yaraan U Iman Intaas Oo Geesi Aynu Ku Weynay Iyadoo Loo Duceeyay Intuu U Dhimatay Nabada Aynu Maanta Haysano Waxayna Bulshada Reer Somaliland Kula Dardaarmeen In Danta Gaarka Ah Laga Hormariyo Ta Qaranka Waxana Ina Walaaleeya Noqdo Calanka Somaliland
Xafladu Waxay u Socotay Jawi Aad u Farxad Badan, Sidoo Kale Waxaa La Soo Ban dhigay Heeso ,Riwaayado,Ciyaaro Dhaqameed Ah oo Aad Loola Dhacay,Sida Saylaciga Shaandeerta ,Ugu Danbayntiina Xafladu Waxay Ku Soo Gabagabowday Jawi Aad U Fiican Isla Markaana Dareen Xamaasadaysayn Iyo Shucuur Wadaninimo Leh.

Jaaliyada Magaalada Karlstad Ee Gobolka Värmland Ee Dalka Sweden

Allah mahad