Maanta Oo Kale 31 May 1988 iyo Gudo Galgalkii Hargeysa Ee Xaq u dirirkii SNM iyo Burburkii Nidaamkii Afweyne.

Maalin wliba waxa aan marnaba ka guureyn xiska muwaadin kasta oo reer somaliland oo damiir fayow lahaa gudagalkii Burco ee May 27, 1988, Iyo gudagalkii Hargeysa ee May 31, 1988. Waxa ay xasuus dheer u leedahay mujaahidiintii Ciidanka xoreynta SNM khaasatan ciidanka qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ka qayb galay hawlgalkii cuslaa ee Hargeysa iyo Burco.

image

Hadaba xiligaas oo ku beegnaa heshiiskii kelidii taliye Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gadheen Djibouti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayey, waxa 4th April 1988 bilaabmay fulintii heshiiska oo dhigayay in la kala fogeeyo ciidamada xuduudah degen, ayna kormeeraan madaxdii qaybta 26aad iyo saraakiishii qaybta hararge ee bariga itoobiya. Waxaanay dawaldiihii u bilaabmay booqashooyin iyo in ay Itoobiya ku amartay ciidamada SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo xereeyo xeryo hub-ka-dhigis ah oo gudaha Itoobiya ku yaala, sidoo kale waxa ciidamadii SNM laga joojiyay dhammaan taakulyntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay.

Waxa kor u kacay niyadii ciidamada Afweyne oo ku hamiyay in ciidamada SNM ay u qaybsami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo is soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada. Waxa ay ciidamadii faqash bilaabeen hawlgalo degdeg ah oo ay ku sii naafaynayaan cududa ciidamada SNM ee ku sugnaa xuduudaha dushooda. Taliyihii qaybta 26aad Morgan “Cabdi Bile” oo la hadlaya saraakiishii iyo ciidamadiisii duulaanka ku soo qaaday ciidanka SNM ee fadhiisinkoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isaga oo la dardaarmaya ayaa waxa uu yidhi : “Waa tiro yar oo gaajaysan ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysaa , shaqada labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku waqti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan”.

Dagaalkaasi oo ay guushiisa meel sii dhigteen may mahadin. Waxa hawlgala Hargeysa uu 3 maalmood oo qudha ka danbeeyey markii ciidamada xoreynta ee Qeybtii 12aad ee Madiina ay weerer culus ku hilaaciyeen magaalada Burco. Iyaga oo ciidamada cadawgu ay ka war hayeen duulaanka SNM ee ku soo maqan waxay dadweynihii Hargeysa iyo Burco ee waxba gaysan ay saareen culays xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii Hargeysa iyo Burco xiligaas ku sugnaa waxa ciidamadii Afweyne la soo safay wadooyinka iyo xaafadha Hargeysa, Burco , Berbera, Gabiley, Ceerigaab iyo Shiikh, waxa ay suuqyada iyo guryahay hortooda ka ugaadhsanayeen dadka muuqda sidii ugaadha. Waxa ay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo ann habeen iyo maalin toona kala lahayn.

2:00AM, habeenimo ee May 31 1988 ayay magaalada Hargeysa ku baraarugtay shanqadha raasaasta ciidamada xoreynta SNM ee ka hilaacay fadhiisimada qaybta 26aad ee Hargeysa. Mujaahid Galaan, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, Mujaahid Axmed Dhagax, Mujaahid Xuseen Dheere, Mujaahid Gacmadheere iyo Mujaahid Muse Bixi, oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay hawlgalkii Hargeysa , halka ay ka burco hogaaminayeen, Mujaahid Axmed Mirre, Mujaahid Maxamed Cali,  Mujaahid Maxamed Kaahin iyo ragg kaloo badan, hawlgalkii Hargeysa oon wax ka weydiiyay laba mujaahid ee muse bixi iyo dhagaweyne xasuusta in ay sawir kooban ka bixiyaan iyaga oo arrintaa ka jawaabaayan waxa ay yidhaahdeen:

“Maalintaasi waxa ay ku beegnayd muddo ay sanad ka soo wareegtay dilkii mujaahid weynaa ee Adan Sh. Maxamed “ Adan shiine” oo May 31 1987 lagu dilay jigjiga , waxay ahayd maalin adag, waxay ahayd maalin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shacbigoodii nolosha naceen, kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba. Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen ummadii iyo SNM gudo iyo dibadba.

Fulinta go’aankaa adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay, oo midhaheediina noqday xorriyadda Somaliland ee maanta la wada hadhsanayo Ilaahayna how naxariisto intii ku shahiiday…Amiin.

Log11