Madaxweyanaha JSL Oo Saaka Ka Duulay Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeisa Iyo Halka Uu Ku Sii Wajahan Yahay

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa Saaka Salaadii Ka Anbabaxay Garoonka Diyaaradaha Ee Cigaal International AirPot Waxaana Madaxweynaha Iyo Weftidiisu Ku Sii Jeeda Qaar Ka Mida Wadamada Caalamka

Oo Ay Ka Mid Yihiin Dalka Jabouti Iyo Wadanka Isu Taga Emaaradka Carabta
Madaxweynaha Somaliland Ayaa Waxaa Uu Ku Sii Jeeda Dalka Jabouti Ee Aynu Jaarka Nahay,Madaxweynaha Somaliland Ayaa Marti Qaad Rasmi Ah Ka Helay Dalka Jabout Gaar Ahaan Madaxweynaha Dalka Ee Ismaaciil Cumar Geele
Madaxweynaha Ayaa Wararku Sheegayaan Inuu Ka Qayb Galaayo Caleema Saarka Madaxweynaha Dalka Jabouti Oo Marsadexaadkii Ku Guulaystay Hogaaminta Dalkaas Jabouti
Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftidiisa Ayaa La Filayaa In Uu Dib Ugu Soo Laabto Dalka Marka Uu Soo Dhamaysto Safarkiisa
Ilo Wareedyo Aanu Ka Helayno Dalka Jabouti Ayaa Sheegaya In Magaalada Jabouti Ee Dalka Aynu Jaarka Nahay Waxaa Si Balaadhan Looga Dareemaya Soo Dhoweynta Madaxweynaha Somaliland Taas Oo Qaban Qaabadeedu Ka Socoto Dalka Jabouti Waxaanay Wararku Sheegayaan In Madaxweynaha Dalka Jabouti Uu Gudi Gaara U Saaray Soo Dhoweynta Madaxweynaha Somaliland