Madaxweynayaasha Maamulka Somaliya oo Kaashanaya M.Ka Puntland Oo Dajiyey Qorshe Dagaal Oo Ay Ku Soo Qaadan Somaliland.

Maamulka Taagta Daran ee Somaliya ee uu hogaaminayo Xassan Sheekh ayaa waxa uu wadaa qorshe uu ku doonayo in uu ku kala qaybiyo Dhulka Somaliland, gaar ahaana uu Maamulka Puntland ku daro Gobolada Sool, Buhoodle iyo Sanaag Barri, waxaanay warar u dhundaloola Qorshahaasi ay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliya ee Puntland Gaas ay ka shiren isla markana ay daraaseyen sidii ay cudud military ay Somaliland ugaga goyn lahayeen qayb ka mid ah dhulkeeda, waxanay xogta aanu helay intaasi ku daraysaa in Kulamo dhawr ay yeeshen Labbada Madaxweyne diiradan u saaren qorshaasi ay laabta ku haystan.

Qorshahan ayaa la sheegay in Labbada Madaxweyne ula tageen safiirka Talyaaniga u jooga Somaliya kaasi oo ay ka dalbadeen in uu Baabuurta gaashaman iyo hub ku caawiyo Mamaulka puntland iyaga oo ugu dhigay in ay Puntland la dagaalamayso Al-shabab iyo Daacish.
Warar kale oo xogogaal ah ayaa sheegaya in Doon hub ahi ay dhawaan ay soo gadhay Maamulka Puntland, basle Ciidanka Puntland ayaa ah qaar Awoodoodu Diciifsan tahay isla markana iskugu darsantay Mushahar la’aan iyo Beelo Beelo, dhanka kale waxay durba Bilaabeen in ay Khariirada Somaliland kala go’yaan oo ay qayb ku daran Puntland

 

Gabiley.Net