Ruqiya Cabdi Xudhuun oo loo doortay Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE ee Bristol

Bristol (Gabiley.net) Waxa qoraal kooban na soo gaadhsiiyey Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Bristol Mr. Naasir Suufi oo ku saabsan kulan Xisbiga KULMIYE ee Bristol yeesheen kuna doorteen garabka Haweenka ee Xisbiga ee magaalada Bristol.

Qoraalkaas koobana waxa uu u dhignaa sidan “Kulan ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Xisbiga ee Bristol Mr. Mustafe Xaashi Cismaan ayaa lagaga dooday sidii loo dardar gelin lahaa xisbiga.

Kulankaasi intii uu socday waxa si weyn loogu falanqeeyey sidii Xisbiga KULMIYE mar kale talada dalka uu u hantiyi lahaa iyo sidii loogu taageeri lahaa inuu mar labaad dalka dalka qabto.
Waxa sidoo kale halkaa lagu guddoortay oo cod gacan taag uu Guddoomiyuhu u geliyey in la doorto guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol.

Ugu danbayn waxa la isku raacay in Ruqiya Cabdi Xudhuun noqoto guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee garabka haweenka magaalada Bristol, sidoo kale waxa waxa madashii lagu magacaabay lix xubnood oo la shaqayn doona oo kala aha:-

1. Ruqiya Cabdi Xudheen – Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE ee Bristol
2. Khadra Rabiile Habane – Guddoomiye ku xigeenka GHKB
3. NImco Xaggaa – Guddoomiye ku xigeenka 1aad GHKB
4. Safiya Daahir – Guddoomiye ku xigeenka 2 aad GHKB
5. Hodan Axmed – Xoghayn
6. Rooda C/laahi – Khasnaji
7. Ayaan Qorane – Afhayeen”