Siyaasiyiinta Gooni u Socodka ah Iyo Mucaaradka Aragtida Gaaban Ma Shaashayn Karaan Guulaha Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land .

Gabiley(GNN):-RUN IYO RAAD RAAC Waa dhambaal culus oo ku jihaysan Siyaasiyiinta u tafo xaytay in ay shaasheeyaan guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada Labadan Kooxood oo isku daygoodu yahay in ay shaki ku abuuraan shacabka S/land kana hor keenaan Xukuumada Kulmiye , Anigoo daaha ka qaadi doona Xeeladaha Xisbiga Aragtida gaaban ee Wadani oo ku guul daraystay in uu soo saaro Murashaxiinta uga qayb galaysa tartanka doorashada Madaxwaynaha iyo Siyaasiyiin xisbi laawe ah oo Gooni socod ah fikir siyaasiyana la wadaagin xisbiyada siyaasada Mucaarid iyo Muxaafidba , Inkasta oo Siyaasiinta Gooni socodka ahi ay waqtiyo kala duwan iyo marxalado nololeed oo kala duwan soo wada shaqeeyeen ilaa maalmihii halganka hadana Sooyaalkooda Siyaasadeed waxuu ka marag kacayaa in aanay waligood Jaanta iyo Jiibta isla helin isla markaana ku guul daraysteen in ay fikirkooga mideeyaan , Siyaasiyiintan Afartii Xukuumadood ee dalka soo maray midna aanay ka nabad galin, Waa Siyaasiyiin hadalkooda iyo weedhaha ka soo burqanayaa ay ka marag kacayso in ayna dalka iyo dadka midna u tudhayn waxayna caan ku yihiin Ceebaynta iyo Dhaliisha Madaxwaynayaasha . Hadiise aan u soo noqdo dulucda maqaalkayga Mudo Shan Sanno ah ayaa laga joogaa waqtigii Madaxwayne Siiraanyo seeska u dhigay Siyaasad furfuran oo xeel dheeri iyo waayo aragnimo siyaasadeed ka muuqato siyaasad la jaan qaadaysa dubolamaasiyada beesha caalamka ee xilligan isagoo Madaxwayne Siiraanyo wada tashi balaadhan kala yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Madax Dhaqmeedka, Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada oo markaa la furay, Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada ,Aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada S/land iyadoo ugu danbaystiina uu ogolaansho sharciya ka helay Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada waxaana hubaala in ay bulshada waynta S/land talaabo talaabo ula socdeen dhacdooyinkaa kor ku soo xusay . Inkastoo Mucaaradka aragtida gaaban ee Xisbiga Wadani iyo Siyaasiyiinta gooni socodka ahi ee xisibi laawaha ahi u tafo xayteen in ay shaasheeyaan Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibada isla markaana Shaki ku abuuraan Shacabka S/land iyagoo isku dayaya in ay iska horkeenaan Shacabka S/land iyo Xukuumada si ay caqabad ugu dhigaan Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land. Taariikhdu waxay ka marag kacaysaa Shacabkuna ka dharagsan yahay in Siyaasiyiintani waqtigaa wada hadalada S/land iyo Soomaaliya la furayay ay ka mid ahaayeen Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay raalina ka ahaayeen Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land . Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hoysay Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land waxaa ka mid ah . 1: Shirkii lagu qabtay Dalka Ingiriiska 22/2/2012 Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Shan iyo Konton Dawladood oo Beesha Caalamka ka mida Shirkan oo marti qaad rasmiya ay ka heshay Xukuumada Kulmiye iyadoo Wafti Madaxwayne Siiraanyo horkacayaa ka qayb galeen isagoo Madaxwaynuhu Cod dheer ku gaadhsiiyay Qadiyada Madax Banaanida S/land dhamaan Madaxdii Shan iyo Konton Dawladood ee ka soo qayb gashay shirkaa ka dhacay Magaalada London waxaana xusid mudan in Madaxwaynihii Siiraanyo noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee Darajadaa gaadhsiiya Qaranimada S/land. 2 : Mar kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee Xukuumadiisu Aaasaasto ama Yagleesho Sanduuqa Horomarinta S/land {SDF} oo Deeqo Gargaara toos ahi ay ku soo dhacaan waxayna marag cad u tahay Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka soo hooysay Siyaasada Arimaha Dibada waxaana hubaala in ay Dawladaha Hore u maray ee Deeqda bixiyaa kalsooni ku qabaan qaab xisaabeedka Dawladnimo ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo. 3 : Madaxwayne Siiraanyo ayaa noqday Madaxwaynihii u horeeyay ee Beesha Caalamka u xaqiijay Madax Banaanida Jamhuuriyada S/land isagoo Caalamka tusay in Laba Dal oo Midoobay aynu ahayn Lixdankii Koonfurta Soomaaliya ka dib markii Wada hadalo toosa uu la yeeshay S/land Soomaaliya iyadoo is hor fadhiisteen Laba Madaxwayne oo Maxmiyadii Ingiriiska iyo Maxmiyadii Talyaaniga kala ah iyadoo qodobo muhiima ku hor saxeexeen Madaxda Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga . 4; In kasta oo Dadaalo Waayo Aragnimo Siyaasadeed iyo Xeel Dheeri ka muuqato Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo u gashay in ay Xaqiijiso Aqoonsi Beesha Caalmka ay ka hesho Jamhuuriyada S/land walina ay sii laban laabayso dadaalkeedii hore waxaa sida dayax shan iyo tobnaadka u muuqata in Madaxwayne Siiraanyo ku guulaystay in uu u soo jeediyo Kanbaniyada ugu Waawayn Caalamka in ay Maal gashadaaan Dakada Barbera oo lagu tilmaami karo Aqoonsi Beesha Caalamka S/land ka heshay. Ugu danbayn waxaan Bulsho Waynta S/land ku Guubaabinayaa in ayna dhag u dhigin hadalada ka soo yeedhaya Siyaasiyiin gooni socoda oo Xisbi laawe ah iyo Mucaaridka aragtida gaaban ee Mansabka iyo Kursi jacaylku madax maray in waxaana hubaala ay ku guul daraysan doonaan in ay marin habaabiyaan Shacabka Horomarka iyo Ictiraafku u muuqdo iyadoo hadaladan bilaa tudhaasha ah ee siyaasiinta gooni socodka ahi uu noqon doonaan hal bacaad lagu lisay .

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
sacadmx@hotmail.com