Somaliland Oo Lagu Martiqaaday Shirka Caalimiga Ah ee Dhaqaalaha Adduunka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha adduunka oo lagu qabtay Afrika, kana dhacaya magaalada Kigali ee waddanka Rwanda, socona doona 11 ilaa 13 bishan 2016.

Shirkan waxa Somaliland uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo khudbad ka jeediyey shirka maalintiisii koowaad.

Shirka waxa ka qaybgalaya in ka badan 1,500 ergay oo isugu jira madax, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ururro bulsho, ganacsto iyo xeel-dheerayaal ganacsi ku takhasusay, kuwaas oo iskaga kala yimi daafaha dunida oo dhan.
Casuumadda Somaliland ee shirkan iyo ka qaybgalka Wasiir Dr. Sacad waa mid guul wayn u ah dalka Somaliland guud ahaan