Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan Oo Xoriyadiisa Dibu Helay

Gabiley(GNN)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa goor-dhawayd Xoriyadiisa dib ugu soo celiyay Wariye Cabdiraxmaan Nuux Ahmed oo loo yaqaanno Hiiraaan kanna mid ah Wariyeyaaasha ka hawl-galla Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kadib markii shalay lagu xidhey Degmadda Wajaale

Ma jiro War rasmiya oo Maamullka Tog- Wajaale ka soo saarreen Xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan oo ka tirsan Shabakadda ee Hadhwanaagnews, hase yeeshee sida aannu ka soo xiganay ilo wareedyo ka ag-dhaw waxa ay noo xaqiijiyeen in Guddoomiyaha Degmada Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan iyo Guddoomiye ku xigeenkiisu ay ka cadhooddeen su’aal uu Wariye
Cabdiraxmaan Hiiraan waydiiyay Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, taasoo ku saabsanayd Maamulka degmada Wajaale, balse waydiintaasi waxa ay ahayd mid caaddiya oo la xidhiidha hawlaha ay bulshadda u qabtaan iyo galdalloolooyinka Xafiisyadda ay Masuuliyaddooda hayaan.

Ciidanka Booliska isagoo Ixtiraamaaya xaqa Muwaadiniinta, isla markaanna ahmiyad wayn siinnaaya Shaqadda ay Warbaahintu u hayso Qarankan jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Ammar ku bixiyay in Xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan).