War Deg Deg Qarax Xoogan Oo Lala Beegsaday Xarun Ciidanka Nabad Sugida Somaliya ee Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha + SAWIRO.

Qaraxani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Bar Kontarool oo Ciidamada Nabad Sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafadda KPP ee degmada Hodan.

Ugu yaraan 4 qof oo 2 ka mid ah ay yihiin Ciidamo Nabad Sugid ah , 2 kalana shacab yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Markii Qaraxa uu dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Nabad Sugida kuwaas oo baaritaanno ka sameeyay halkaas.

Ciidamada ayaa howlgallo xoogan halkaas ka sameeyay oo aan la ogeyn illaa iyo iminka haddii dadka lagu soo qab qabtay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo goobta wax ka dhaceen gaaray ayaa sheegay in Qaraxa uusan ahayn mid sidaas u buuran islamarkaana ay ku hungoobeen kooxihii ka dambeeyay sida ay hadalka u dhigeen.
12345678910