War-Deg-Dega:-Nin Kamid Shaqaalaha Shirkadaha Laydhka Magaalada Hargeisa Oo Loo Xidhay Arrimo Argagaxiso.

HARGEISA(GNN):-War deg-dega oo hadda nasoo gaadhay ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonayahay noo xaqiijiyeen in Nin kamida shaqaalaha gaadiidka ee shirkada laydha ee sompower oo hore loo odhan jiray kaah, ayaa ciidamada amaanka ee somaliland xabsiga u taxaabeen, waxaana wararku sheegayaan in loo xidhay arrimo la xidhidha argagaxiso, Waaxaana wararku intaasi ku dareem ninkan oo lagu magacaabo C/casiis in ay ehelo dhow yihiin hogaanka sare ee alshabaab, waxaana sababaha xadhigiisa la xidhiidhiyey kadib markii lagu helay inuu xidhiidh la leeyahay xarakada al shabaab, taas oo la dhegaystay telefoono uu kula xidhiidhi jiray shabakadaasi, oo si joogto ay isugu xidhnaayeen, Shirkadan uu Shaqaalaheeda ka mid ahaa ayaa aha Shirkadaha ugu waaweyn ee dhinaca dabka ama laydha magaalada hargeisa u shida, Taas oo ay shuraako ku yihiin ganacsato farabadan oo reer somaliland ahi.

Waxaana arrintani kusoo beegmaysaa wakhti Shacabka somaliland U Diyaar garoobayaan debaal dega xuska munaasibada qaranimada somaliland ee 18ka may oo shacab iyo ciidanba heegan buuxa loogu jiro Sugitaanka amaanka dalkan somaliland,
Ma Jiro ilaa hadda wax wara oo kasoo baxay Hayada amaaanka ee ku shaqada leh arrimahan, Walow aanu isku daynay Inaanu wax ka ogaano arrintan oo aanu la xidhiidhnay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska somaliland, waxay kaliya sheegeen in baadhiso ay socodaan isla markaana arrin gacanta lagu hayo aaney kasii hordhici karin.
Maaha markii ugu horaysay ee somaliland gudaheeda laga qabto dad lala xidhiidhinayo shabakadahaasi argagixisada,

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintan Waxaad kala socondoontaan shabakada Gabiley.Net

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network