Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Oo Ku Dhaawacmay Is-Rasaasayn Maanta Ka Dhacday Magaalada Boosaaso

 Wararka naga soo gaaraayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta uu magaalada ka dhacay muran adag una dhexmarey Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf.

Goobta shaqaaqadan ay ka dhacday ayaa la sheegay inuu ka socday kulan looga hadlaayey Amniga Puntland oo ay ka qayb galayeen mas’uuliyiinta Amniga Puntland qaabilsan.

Ciidamo ilaalo u ahaa labada masuul ayaa rasaas badan hoos ugu riday goobta ay mas’uuliyiinta ku murmeen taasoo sababtay khasaarahan,  wararka horudhaca ah ayaa sheegayo in rasaastaasi uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Waxaa Isbitaalka Bosaso la gaarsiiyey ilaa 6 askeri oo dhaawac ah iyo Wasiirka Amniga oo qaba dhaawac fudud.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas uu xiligan ku sugan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo maanta shaqaaqadan ka dhacday.