Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Ciidamo La Sheegay Inay Kasoo Goosteen Maamulka Puntland Oo Galay Dawlada Somaliland

Hargeysa(GNN)Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen maamul goboleedka Puntland una soo galeen dhinaca Somaliland.
Waxana uu wasiirku sheegay inay cidamadaas si wacan usoo dhaweeyeen dawlada Somaliland, waxana uu wasiirku waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidmadaasi ay kusugan yihiin magaalada hargeysa isag aoo carabka ku dhuftay inay la kulmeen oo kaliy saarkaalkii waday ciiidamadaa waa sid uu hadalka u dhigye waxaaa uu yidhi
“Dhawaan ayay ahayd markii ciidan ay yimaadeen Caynaba ee ay Huteelka galeen, iyadoo la galbinayo ayaa la celiyay markaan run kuu sheegana weli anaga ciidankaasi nama soo gaadhin keli-yana waxa yimid nin sarkaal ah oo uu waday badhasaabku”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cadami
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata aya inta ku daray
“Wax hore loo sii darsay oo laga tashadayna may ahayn.Wakhtiyo aanu intaa ka jilicsaneyn ayaanu intaa ka beer nugleyn oo la odhan jiray tallow maxaa soo yeedhi markaa kalsooni buuxda ayaanu ciidankayaga ku qabnaa.Shacabka Somaliland oo gabi ahaantii u heegaana oo diyaar u ah oo sacaada askar isu wada rogaya ayaanu heysanaa cid ala cid aanu maanta ka cabsi qabnaana ma jirto oo Puntland-na wixii xidhiidha ee na dhexmara waa wax labadayadaba dani ugu jirto. Laakiin anagu iyaga kama fileyno daandaansi toosa inay noogu yimaadaan iyagana ka filimeyno” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga mudane Axmed Xaaji Cali oo u waramayay Telefiishanka Bulsho TV.

Gabiley.net