“Xukumaddan Dhago La’ Ayaa La Yidhaahdaayo Mid Wax Maqasha Maaha Dhawr jeerna Arimo Badan Waan Kala Hadalnay”Xildhibaan Baar Siciid

Hargeysa(GNN)-Xildhibaan Baar Siciid oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ahna xildhibaan laga soo doortay gobolka sanaag ayaa xukumadda Somaliland ku eedeysay inaanay jirin wax alaale wax ay u qorshaysay gobolada sanaag iyo sool maadaama dhawaan ay ka bilaabmi doonto diiwaangalintii codbixiyayaasha.
Xildhibaan Baar Siciid ayaa sheegtay inay gudida komishanka kulan ay la yeesheen ay u sheegeen inay jiraan deegaano kamida gobolka sanaag oo u bahan in diiwaangalinta la geeyo lana ilaaliyo aminigeeda balse xukumaddu aanay wax qorshe ah uga meel dhigan goobahahaasi.
Xildhibaan baar siciid oo arimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaysa halkan hoose ka daawo muuqaalka