18ka May Ee Qurbuhu Yaanu Inaga Noqon Madal Lagu Soo Bandhigo Heeso Iyo Qoobka Ciyaar Kaliya Uun.

Marka Hore waxa Mahad naq balaadhan leh ilaahey oo inagu simey ineynu dhawr cisho kadib u dabaal degno xuska sanad guurada 25 aad ee jiritaanka qaranimada Dalkeena oo ku beegan 18ka bishan.

Dal iyo dadwaliba waxay leehiin maalmo iyo wakhtiyo taariikhda ugu suntan oo uga duwan maalmaha kale,  taariikhahaas oo ah badi ah kuwo wax ka badeley qaab nololeedka bulsheed ama siyaasadeed ee dadkaasi leeyihiin.

Inagu hadeynu nahey dadka somililand maalmahaas waxa kamida 18 ka may iyo 26 june.

Faahfaahin uma baahna 18ka may oo waa maalintii aynu dib u yagleelney qaranimadii aynu hadyada ugu geyney reer somaliya, dib u soo celinta qaranimadaa oo ay inaga soo gaadhey dhib aad u balaadhan oo ah mid dhinac walba ah, ilaahey mahadii waan ka soo kabaney inagoo isku tashaney kana soo dabaalaney mu’aamarado iyo dabino badan oo la inoo dhigey, kuwaaso oo aan ilaa maanta istaagin, mar iyo goorwalbana dad cadaw ahi ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u burburin lahaayeen intaa yar ee horumarka ah ee aan gaadhney.

Aan u soo daadago mawduuca aan maanta kaga hadlayo xuska maalintan qiimaha leh oo badi lagu qabto qurbaha iyo meelkasta oo ay joogto jaaliyad ku abtirsata Somaliland.

Marnama ma diidani in lasoo bandhigo dhaqankeenii suubaanaa ee aan hiddaha u laheyn iyo maaweelo fiican oo ka turjumeysa dalkeena iyo dadkiisa.

Balse waxa baryahan danbe caado noqotey, Xaflado lagu qabto Hoolal oo ay iskugu yimaadaan dhalin yar badan oo rag iyo dumarba leh, ujeedada ugu weyn ee ay leeyihiina tahey caweys iyo madadaalo, iyagoo soo kireysta fanaaniin habeenkaa u tuma, dadka kasoo qaybgalaa xafladahaasi badi waa dhilin yar leh cid walba, oo ay ku jiraa dad neceb jiritaanka somaliland laakiin u yimid meesha heeso iyo qoob ka ciyaar, qudbado muhiim ah lagama jeediyo meesha, hadii la isku dayana lama jecla waayo dadka meesha jooga umey iman arimo noocaas ah.

Xafladaha ayaa badi dhaca habeenkii laga bilaa 9 habeenimo ilaa Waaberiga, halkaas oo lagu saamoleylo, arimo badan oo aan wanaagsaneyna ka dhacaan gaar ahaa wadamadan reer galbeedka.

Sidee wax loo sixi karaaa?

1.Waxa loo baahan yahey in xafladu ay noqoto mid laqabto maalin oo ay kasoo qayb galaan qoysaska, waayeelka, raga dumarka  iyo caruurtuba, isla markaana lagu soo bandhigo taariikhda dalkeena, dhibkii iyo hagardaamadii inaga soo gaadhey Reer Somaliya iyo Sidii aan Wax Ula Qabsan laheyn Bulshooyinka aynu la Noolnahey.

2. In Xaflada Lagu Soo Casuumo dadka siyaasinta ah ee Dalkaa aan ku noolnahey hadey noqon lahey Min Wasiir ilaa Xubno Gole Deegaan hadba inta inoo suurta gasha ee inaga yeesha maadaamada dadkaasi rabaan dad badanka u Codeeya.

3. In Lagu Casuumo Saxaafada Dalkaas ay Xafladu ka dhaceyso, maadaama saxaafadu tahey tiirarka ugu muhiimsan ee saameeya afkaarta guud dadka iyo barashada loo baahan yahey in la barto dalkeena?

4. Inaan ku Casuuno Dadka Somaliyeed ee Kale ee Aan ka Xumeyn Horumarka Somaliland ileyn inaan Somali oo Dhan cadaw ka dhigano Maahee.

5.In Lasoo Bandhigo Suugeenteenna iyo dhaqankeena inagoo ilaalineyna ansha iyo diintaba.

Gunaanad.

Dhamaan dadka isku duba rida xafladaha 18 ka may Masuuliyad Weyn baa ka Saaran arintan waa iney guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay wax ka badalaan qaabka ay wax u socdaan {wey jiraan meelo qaab wanaagsan loo soo bandhigo 18 ka may, dadkaasi wey ku mahadsan yihiin}

Waxa aad u mihima in la baro taariikhda dalkeena, da’yarta ku barbaarey dhulka qurbha ee ay yar tahey taariikh ay ka hayaan somaliland iyo dadyawga aynu la noolnahey oo iyaga laftoodu  ay muhim tahey in la baro.

Waxa kaloo laga maarmaan ah jaaliyadu wax isku weydiiso oo ay gorfeyso sanadkaa waxa la qabtey ee u suurto galey, waxey ku guuleysan waayeen iyo sida wixii ka qaldamey sanadkaa loo sixi lahaa

allaa Mahadle.

Axmed Maxamed Carab.