AQOONYAHAN(GARYAQAAN) CABDIRAXMAAN MAXMUUD AFEY OO ISU SHAACIYAY IN UU KA QEYBGALAYO TARTANKA DOORASHADA SOO SOCOTA GOLAHA WAKIILADA

Hargeys(GNN)Aqoonyahan(garyaqaan)Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed Warsame(Cabdiraxmaan M Afey), ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay inuu u taagan yahey Xubnaha Aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley ee isu soo taagaya tartanka Doorashada Golaha Wakiilada ee Doorashooyinka soo Socda.

Garyaqaan Cabdiraxmaan Maxamuud Afey oo kamid ah aqoonyahanka bahda garsoorka Somaliland mudo badan kasoo shaqeeyay islamarkaana, ah dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley ayaa Qoraal ku sahabsan damaciisa Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Gabiley.net, qoraalkaas oo dhameys tirani waxa uu udhignaa sidan:-

“Anigoo ah Garyaqaan Cabdiraxmaan Proffesor Maxamuud Afey islamarkaana, kamid ah Aqoonyahanka dalka waxaan go,aansadey in aan deyrtan kamid noqo Xubnaha damacu kaga jiro loolanka Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee Gobolka Gabiley uga qeyb gali doona Doorashadaasi,

cabdiraxman afay
Maadaama aynu mudo badan aragney in aanay isbadel xalaal ah oo Bulshadu u baahan tahey Keenin Rag badan oo Hurmuud u ahaa Reer Gabiley hadey tahey doorka Siyaasada iyo doorka Hogaaminta taas oo ay la qabaan Somaliland inteeda kale sida Musuqmaasuqii Maamul ee ragaadiyay marxalada xiligan ee Xukuumada Siilaanyo,inkastoo Musuqmaasuqa loo haysto hanti la boobo laakiin uu ka xun yahey Maamul xumada iyo shakhsiyaad bilaa aqoon ah oo lagu qaato nidaam kooxeysi, qabayaaladeed,qurbajoonimo, iwm.

Waxaan go,aansadey maadaama aan kamid ahey Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ee dhinaca Shuruucda iyo xeerarka islamarkaana, aan mudo badan kusoo shaqeeyay Haya,adaha Garsoorka ogahay kana warqabo baahiyaadka Reer Gabiley uga baahan yihiin arimaha iyo qodobada sharci ee kaga maqan dawlad ahaan Somaliland dhinacyada Deegaanka,Xuduudaha Gobolka, Xuquuqda Gobolnimo ee Gabiley dhabarka kaga jabtey iyo caadeysiga Xubnaha Siyaasada u matelaa ay ku caadeysteen in marka Bulshada loo baahan yahey been loo sheego marka kalena u sariftaan xuquuqdooda waxaan go,aansadey in aan isku soo taago Tartanka loolanka Doorashada Golaha Wakiilada ee Doorashooyinka soo socda si aan dadkayga iyo Deegaankeygaba ugu adeego daacadnimo iyo doorka baahiyeed ee ay u qabaan dhalinyaro firfircoon oo uga hadla adeegyadooda aasaasiga ah ee Arimaha Bulshada iyo ta istaraatijayadeed ee Deegaan Gobol, Iwm.

Gabagabadiina waxaan rajo weyn iyo mid dhawba ku qabaa kalsoonida Shacabka Reer Gabiley aan ku leeyahey maadaama aan Hay,ado garsoor mudo badan ugu soo shaqeeyay si daacad ah oo xalaal ah sidaa daraadeedna aan boqolkiiba boqol ku qabo kalsooni aan la qiyaasi karin waxaan go,aansadey inaan isku soo taagto Loolanka Tartanka Doorashooyinka Mustaqabal ee soo socda Golaha Wakiilada, Waxaana hubaal ah in bulshada reer somaliland gaar ahaan bulshada reer gabiley ee aan ka soo jeedaa u baahan yihiin isbadal siyaasadeed iyo mid hogaamineed oo dhab ah, taasina waa mida saldhiga u ah damacayga musharaxnimo ee aan ku doonayo in aan isbadal ku sameeyo dhaqanka siyaasadeed ee bulshada Gobalka Gabiley kula dhaqmi jireen siyaasiyiintii Gobalka hogaanka u ahayd, oo aanay umadu mahadin.

Ugu Dambeyntii Waxaan Hamablayo iyo bogaadin udirayaa dhamaan Beelaha Somaliland ee soo sharaxay Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee abuuri kara isbadelka looga baahan yahey”.Ayuu Qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Garyaqaan Cabadiraxmaan Maxamuud Afey ayaa kamid ah dhalinyarada aqoonyahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley ee wakhti xaadirkan soo bandhigay damacooda Siyaasiga ah oo uu kaga midha dhalin doono isbadelka ay Reer Gabiley baahida weyn u qabaan.

Gabiley.net
Gabiley Office