Boorama: Guddoomiyaha Iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Carwada Ramadaan+Sawiro.

Borama(GNN):-Guddoomiyaha Iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Carwada Ramadaan+SawiroBoorama(HWN):-Hoggaanka xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka qaybgalay bilowga carwada Ramadaan BAZAAR oo si rasmi ah looga furay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Carwadan loogu magacdaray Ramadaan BAZAAR ama suuqa Ramadaanta oo ay soo qabanqaabiyeen dhallinyaro aqoonyahan ganacsato noqday, taas oo ay ka qaybgalayaan shirkado ganacsi ka kala socda inta badan gobollada dalka Somaliland, ayaa xaflad kooban oo furitaankeeda loogu sameeyey huteelka cusub ee SAW xalay, waxa ka qaybgalay xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf oo qayb ka ahaa wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga oo booqasho ku tagay magaalada Boorama, Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Saleebaan Ramaax, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Dhallinyarada iyo Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo madax kale.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi, waxay soo dhaweeyeen carwadan oo ay sheegeen inay tahay qayb wayn ka qaadanayso kobcinta dhaqaalaha dalka iyo is-dhexgalka bulshada, isla markaana siyaasadda xisbiga KULMIYE ay ku salaysan tahay dhiirrigelinta ganacsiga iyo hal-abuurka dhallinyarada ee arrintaasi ku wajahan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Badhasaabka Awdal iyo madaxda xisbiga, ayaa kormeeray ganacsiyada kala duwan ee carwada lagu soo bandhigay, isagoo halkaasi ka dukaamaystay si uu u dhiirrigeliyo dhallinyarada badeecadaha ganacsi ku bandhigay carwada