Ciidamadda Amniga Somaliland oo maanta qabtay koox looga shakiyey inay qaraxyo ka fulinaysay Maxkamadda sare ee Somaliland

Hargeysa(GNN) Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda saree e Somaliland.

Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada sadexda nin oo ay Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalabkii looga shakinsanaa  Miinada oo laga soo dhigey qalin la dhigey xafiiska gudoomiyaha maxkamada sare, waxa miinadaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana saaka laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.

Log11