Ciidamadda Federaalka Itoobiya Oo La Wareegay Ammaanka Degmada Gaashaamo.

Gaashaamo (G.Net)-Dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa Saraakiil ciidamada federaalka ah ee Itoobiya u soo diray deegaankii ay ciidamada Liyuu Boolisku ku laayeen dadka shacabka ah ee ddeegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo, kuwaas oo la sheegay in ay bilaabeen baadhitaano la xidhiiha xasuuqii Jaamac Dubad.

Saraakiishan Federaalka ah oo la sheegay in ay wataan ciidan Federaal ah oo tiro badan, ayaa gebi ahaanba la wareegay amaanka degmada gaashaamo, halkaas oo ay ku soo rogeen amaro cusub oo ay ku diirsadeen dadka shacabka ah ee deegaankaasi, kuwaas oo ku amray ciidanka Liyuu Booliska in ay ka baxaan guud ahaan deegaankaas oo aanay soo dhaafin deegaanka Marsin inta ay baadhista wadaan.

Caaqil Xasan Ibrahin Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah madaxadhaqameedka ka soo jeeda deegaankaasi oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxansaxo isaga oo Hargeysa ku sugan, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey Saraakiishan ay dawladda federaalka ah ee Itoobiya u soo diray dhibtii halkaasi ka dhacday iyo sida ay wax u wadaan oo uu sheegay in ay wanaagsan tahay.
Caaqil Xasan Ibrahin Cabdilaahi Jaamac oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Sarkaal federaal ah oo loo soo xil saaray arrimahan ayaa yimid halkaas, waxa uu yidhi dadkii xidhinaa ha la sii daayo, Xabaalihiina wuu tegay ee dadka lagu aasay, liyuu booliskiina waxa uu yidhi marsin ma soo dhaafi kartaan illaa inta aan hawlahan ku jiro, dadkiina wuu wacyi geliyey oo waxa uu ku yidhi waan idin arkaa oo san saan colaad ayaad ku jirtaane ha joojiyo ayuu yidhi oo dadkiina ha la soo celiyo tuulooyinkii ka soo cararay, markaa ninkaas sarkaalka ahina hawlaha si fiican ayuu u wada ciidanka federaalka ah ayuu u wadaa, waanuu soo xaqiijiyey in dadkii la laayey maato ahaayeen oo waxa ay ku yidhaahdeen shufto ayaa la laayey oo hubkii keena ayuu ku yidhi oo waa la waayey oo waxa uu xaqiiqsaday in ay ahaayeen maato la laayey”
Caaqailka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Hawshaas ninkaas ayaa baadhisteeda wada dadkiina way iska degenyihiin, dadkuna way ku niyad san yihiin ninkas sidaas wax u wada oo si dhex dhexaad ah wax u wada waana la eegayaa, illaa imikana isaga yuunbaa hawsha wada, waxaanuu wataa ciidan badan oo federaal ah ayuu wataa, cid wax carqalad ah samaynkaraana ma jirto oo wax odhan karaa, waana ciidan ay dadku raali ka yihiin oo aanay wax sas ah ka qabin” ayuu yidhi Caaqil Xasan Ibrahin Cabdilaahi Jaamac