Ciidanka Liyuu Boolsika-ka Oo Mar Kale Dad Ku Laayay Deegaanka Gaashaamo.

Dadkan ay laayeen ciidamadu ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 13 qof,iyada oo sidoo kalena tiro kale oo dad ahi dhawac yihiin.Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in dadwaynaha deegaankaasi ay iska cabin kala horyimaadeen cidamadii dawlada itoobiya ee xasuuqa ka gaystay deegaanka Jaamac Dubad waxaana halkaasi ka dhashay dagaal.Wararka ayaa sheegaya inay jiraaan dhimasho iyo dhaawac dhanka ciidamada ah waxaana wali deegaankaasi ka socda sida naloo sheegay dagaal u dhaxeeya dadwaynaha magaalada Xaashi Cagoole iyo hawdka ku teedsan koonfurta Gaashaamo iyo ciidamada Liyuu Boolsika-ka.

Ciidamadan Liyuu Boolsika-ka ee dalwada itoobiya ayaa la shegay inay wadeen qorshe ay ku xasuuqaan dadwaynaha deegaanka Xaashi Cagoole balse dadwaynaha degaanka oo gadoodsan aya iyaguna iska caabiyey waxaan halkaas ka dhashay dagaal khasaare sababay.

Walima jiraaan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maray dadwaynaha deegaanka xaashi cagoole iyo ciidamada Liyuu Boolsika-ka.

 

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka  Gabiley.Net