Ciyaartoyda Somaliland Ee Ka Qayb Galaayay Tartanka Ka Socda Dalka Abkhazia, Oo Sawir Ugu Soo Jawaabay Wasaaradda Ciyaaraha.

Ciyaartoyda kubadda cagta ee rer Somaliland ee ka qayb galaayay koobka dalalka aan la aqoonsanayn oo ka socda WaddankaAbkhazia, ayaa Sawir ay si wadajir ah u galeen waxay ka soo jawaabeen hadaladii masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaruhu ku shegeen in aanay Somaliland matalin.

imageimage

Sawirkan oo sida muuqata farta gacanta la saaray, kana dhigan aamus ayay ciyaartoydu kaga soo jawaabeen hadaladii Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaruhu ku doreen kooxdaas.

 

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa hore u sheegtay inay kooxdaasi tahay mid aan Qaranka matalin hadalkaas oo si weyn loogu kala duwanaaday.