Daawo Qoys Soomaali ah Oo Ka Badbaaday Weerarkii Iyo Qaraxii Dadka Badan Ku Dhinteen Ee Shalay Ka Dhacay Garoonka Ataturk Airport Stanbul.

Qoys Somali ah oo ka amba baxay dalka Sweden, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu jahwareer badan uu ku qabsaday Garoonka Ataturk ee Magaalada Istanbul, xilligii uu weerarku dhacaayay, habeenkii Talaadada.

Samiira Maxamed Sheekh Cabdi oo ah hooyo Somaliyeed, ayaa waxay la safreysay laba hablood oo ay dhashay, gabar kale oo habaryar ay u tahay iyo aabaheyd, waxayna sheegtay in ay ku wajahnaayen Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Transit ku ahaayen Garoonka.
Samiira Maxamed Sheekh Cabdi, ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn halkii ay ku sugnaayen, iyagoo 20 ruux gaarayana ay isu soo xireen qol yar oo ku dhex yaalay maqaaxi ay fadhiyeen.
Waxay intaa ku dartay inay dib ka ogaatay in ay ka maqan tahay mid ka mid ah labadii hablood ee ay dhashay, taa oo lagu magacaabo Caisha, waxay xustay in Caisha ay u carartay meel kale, ka dib markii ay dadku bilaabeen in ay yaaceen, wax yar uun ka dib markii uu qaraxii 1-aad dhacay.

Iyadoo hadalkeeda sii wata, ayay sheegtay in aabaheyd uu u soo baxay raadinta Caisha, xilli sida ay sheegtay ay rasaastu ka dhex dhaceysay Garoonka, askartuna ay xirtay albaab kasta oo Garoonka laga soo galo, lagana baxo.
Samiira Maxamed Sheekh Cabdi oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa ugu dambeen sheegtay in Caisha ay ka soo wacday teleefan uu leeyahay nin Ruushka u dhashay, sidaana ay isu helayn.
Samiira, ayaa sidoo kale sheegtay in markale ay kala kulmeen, ka dib markii uu dhacay qaraxii 1-aad, dadkuna ay markale bilaabeen in ay kala yaacaan.

Qoyskan Somaliyeed oo lagu wado in diyaaradda Turkish Airways ay u raaceen Magaalada Muqdisho, ayaa muddo laba saacadood jahwareer badani kula kulmay Garoonka Magaalada Istanbul ku yaala.
Weerarkan waxaa ku dhimatay 42 qof, oo ay ku jiraan 13 qof oo ajaaniib ah, iyadoo dhaawacuna uu gaaray 239 qof, oo 41 ka mida ay xaaladoodu daran tahay.

timthumb24