Daawo-Sawirada Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Bariga Somaliland Oo 15sano Ka Hore Hindisay Urur Ka Shaqeeya Qaranimada S/land.

Hargeisa(GNN):-Lataliyaha Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland Eng C/naasi Garaad Ayaa Warbaahinta Somaliland Usoo Bandhigay Muuqaalo Muujinaya Doorkii uu Ku Lahaa Ka Shaqeynta Horumarinta Qaranimada Somaliland Muddo Laga Joogo 15 Ka Hor, Waxaana Aas-aaskiisa iyo Hirgalintiisaba lahaa urur ka shaqeeya arrimaha qaranimada somaliland oo lagu daahfuray dalka ingiriiska ururkaasi oo la yidhaa  Euaropian Association  Of Somaliland Diaspora. Waxaana Munaasibada Ururkan Lagu qabtay Guriga Caanka Ah Oxford House, Iyadoo ay Furitaanka Ururkana Ku Wehelinayeen Muwaadin Siciid Cabdi Ducaale.

Waxaana lagu soo martiqaaday wafti balaadhan oo ka socoday Baarlamanka Yurub ee Xaruntoodu Tahay Belgiumka, aqoonyahan u dashay somaliland oo wakhtigaa ku sugnaa london  fanaaniin iyo martisharaf kale.

Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Bariga Somaliland Eng C’/naasir Garaad ayaa kagaga duwan siyaasiyiinta gobolada Barriga Mudada Dheer uu Qaranimada Somaliland Kasoo shaqeynayey Qurbaha Iyo Dalka Gudahiisaba.Arrinta oo Muujinaysa inuu Daacad u yahay shacabka dalkiisa iyo jiritaanka dalkiisa somaliland.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Ururkaasi Sidii loo Aas-aasay iyo dadkii kasoo qaybgalay.


Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network