DACWADDA BADDA EE SOMALIA IYO KENYA OO LA DHEGEYSANAYO BISHA SEPTEMBER EE SANADKAN 2016

Wargeyska The Star ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa Saakay oo Arbaco ah daabacay in ay Rasmi tahay in Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muranka badda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Mandheera_Kenya_Map

Kenya waxay ku doodeysaa in Somalia ay rabto in Kenya ay noqoto dhul aan Bad lahayn, Waxayna Kenya ku sheegeysaa in biyaha la isku haysto ay ku yaallaan 5 Ceel oo Shidaalka hodon ku ah,kuwaas oo ay sheegatay in ay Iyada leedahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwad ka dhan ah Kenya lana Xiriirka Muranka Badda ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah Biyaha Somalia,waxay Dacwaddaasi u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Maxkamadda ayaa Wrabixinta ay soo saartay ku sheegtay in Dhegeysiga Maxakamadda uu socon doono muddo Afar Maalmood ah oo ka billaabata 19-ka illaa 23-ka Bisha September ee soo socotay.

Sidoo kale, Kenya ayey Maxakamadu sheegtay in ay ku horumari doonto hadalka la Xiriira Dacwadda labada dhinac oo iyada la dhegeysan doono maalinta ugu horreysa ee Isniinta ah oo ay Kenya ku soo Bandhigi doonto Waxay qabto halka Soomaaliya la dhegeysan doono Talaado ilaa Khamiis oo ah 3Maalmood oo laga doonayo in ay ku soo bandhigto Dacwadda ay ka gudbisay Kenya.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddanka Kenya, Githu Muigai ,ayaa ka digay in Kiiska Muranka Badda ah ee Somalia haddii uu sii adkaado ay Kenya ku xambaari doonto dadajinta xiridda xerada dhadhaab iyo inay Kenya ka bixi doonto AMISOM oo ay sheegtay ij ay Soomaaliya ka caawiso Amaanka.

Ugu dambeyntii, Dacwadda Waxaa lagu Dhegeysan doonaa Daarta Nabadda ee ku Taalla Magaalada Hague, halkaasoo ah Xarunta Maxkamadda.

 

Gabiley.net