Dawladda Ingiriiska Oo La Dagaalanka Al Shabaab Ka Taageereysa Dalka Kenya

Nayrobi(Gabileynews.net) June04, 2016 – Dawladda Ingiriiska ayaa dalka Kenya ka taageereysa la dagaalanka ururka Al Shabaab oo weeraro isdaba joog ahaa ka fuliyey dalkaas.

Labada dawladdood ayaa wadaagi doona macluumaadka la xidhiidha ururka Al Shabaab, waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Britain, Phillip Hammond ayaa isku raacay baahida loo qabo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Dalka Britain, Phillip Hammond ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka taageeri doonto Kenya dhinaca difaaca, amaanka iyo sidoo kale ganacsiga

Xoghaye Phillip Hammond ayaa bogaadiyay ciidamadda dalka Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM, kaasi oo lagu wiiqayo Al Shabaab.

Dhinaca kale, madaxweynaha dawladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay qorshaha dawladda Britain ay ku taageereyso xukuumadda dalkiisa.