Deg Deg :War Hada Soo Dhacay Ciidamada RRU -Oo Xalay Saqdii Dhexe U Daadatay Hotel Ka Mida Hotelada Magalada Borama Iyo Dad Ay La Baxeen.

Borama(GNN):-Ciidamada LA Dagaalanka Argagixisa Somaliland Ee Loo Yaqaano‪#‎RRU‬Ayaa Cawaa 02:40 minute Saacada Geeska Africa Waxay Howl Gal Culus Ka Fuliyeen Hotel‪#‎Brothers‬Oo Ku Yaala Agagaarka Gol Jano Cafeteria Ee Magalaada Borama,Waxayna Hotelkaasi Kala Baxeen Ciidamadu Nin ilaa Hada Aan La Garanayn Haybtiisa Oo isla Caawa Uun Soo Dagay Hotelka Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Maamulkii Hotelkaasi Brothers. Waxana Lala Qaaday Boorsooyin Uu Watay Sida Ay DadGoob Jooga Sheegeen.

Iyadoo Dhinaca Kalena Ay Ciidamadu Jidh Dil U Gaysteen Dadkii Hotelka Daganaa,Waxana Ay Dhamaan Ciidamadu Gacanta Ku Dhigeen Wixii‪#‎Mobile‬Ay Haysteen Dadka Daganaa Hotelkaasi.
Sida Ay Xaqiijiyeen Dad Ka Agdhawaa Goobta Hotelka Ayaa Waxa Ay Sheegeen in Ciidanka Howl Galka Fuliyey Wateen in Ku dhawaad 20 Gawaadhi,Waxna Dhamaan La Xidhay Jidadka Soo Gala Hotelka Howl Galka Laga Fuliyay,Iyadoo Dhamaan Lagu Amray Dadkii Goobtaasi Ka Agdhawaa inay Ka Fogaadaan Hotelka.
Howl Galkani Ay Caawa Ciidanka LA Dagaalanka Argagixisadu Ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Borama Ayaa Waxa Hagaysa Gabadh Xidhnayd Dhar Shacaba Sida Ay Sheegeen Dadkii Ku Sugnaa Hotel Brothers.Waxana ilaa Hada LA Garanayn Ninkaasi Ay Ciidanku La Baxeen Cida Uu Ahaa iyo Halka Uu Ka Yimiday.
13406953_860487654094928_9114430310393004176_n

13407267_860487797428247_1635299836133617702_n

13423911_860489650761395_3283500327292538074_n

13445392_860487540761606_2782065634795991750_n

13428626_860489574094736_8298743183163114820_n

Wixii warar ah Ee Kasoo Kordha Arrintan Kala Soco Shabakada Gabiley News Network.

 

Gabiley News Network

Axmed Osman Hassan Almis.