Feedhyahankii Caankii Ahaa Ee Maxamed Cali Oo Geeriyooday.

Feedhyahan Maxamed Waxa uu ahaa 74 jir,waxaana xaaladdiisa laga deyrinayay maalmahan.

Waxa uu Maxamed Cali u geeriyooday xanuun ka haleeyay sanbabada isaga oo ay ku adkaatay sida la sheegay neefshadu.

Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984, afar sano kaddib markii ka fariistay ciyaaraha feedhka.

Maxamed Cali waxa uu ku dhashay gobolka koofurta mareykanka ku yaalla ee Kentucky.

Waxana uu muslim noqday sanadkii 1964 oo ahayd markii ugu horeysay ee abaalmarinta caalamiga ah uu ku guuleystay.

Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamiga ah.

1GNN