Fulinta Sadex Qodob Waa Helista Rajo Horumar oo ka Tisqaada Wasaarada Warfaafinta Somaliland.W/Q-Suxufi Xassan Shaah.

Hargeisa(GNN):-Sadex qodob inuu sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto wasiirka wasaarada warfaafintu ayaa muhiima si wasaaradu u noqoto mid la jaanqaada wasaaradaha dhigeeda ah ee somaliland sidaynu ka warqabno wasiirkii hore ee warfaafinta md cukuse wuxuu ahaa qof aqoon khibrad iyo waayo aragnimo dheerba u lahaa shaqada wasaaradan jeclaana inuu wax ka qabto dhinaca maamulka iyo nidaamka shaqo balse waxa suurta gal ka dhigiwaayay midhkaasi casaabad madax sheegtayaala oo ka hoosaysay kuwaasiyoo marna dhan khilaaf iyo buuq kaga furayay la tacaalista kuwaa dabarka ku noqday horumarkii iyo waxqabadkii shaqo ee wasaarada siduu u waday ayaa la bedelay.
Md cismaan saxardiid cadaani oo isaguna runtii ah aqoonyahan karti u leh shaqada kalkiisana ay ka muuqato daacadnimo kusalaysan waxqabad iyo horumar ayaa sidoo kale ah masuul isaguna aqoon u leh dhinaca warbaahinta iyo shaqda wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta oo sida ka muuqata ah wasaarad aad u balaadhan halbawlana u ah hanaanka iyo haykalka dawladnimo ee dalkasta ama qarankastoo dunida ah.
Sidaa darteed waxa lagama maarman ah si uu hirgaliyo una muuqato dardargalinta shaqada wasaaradu islabmarkaana uu midho dhal ku noqonkaro horumar la taabankaroo ka tisqaada wasaradan waxa muhiima in wasiirka warfiinta somaliland md cismaan saxardiid cadaani ay lagama maarmaantahay inuu suda ugu djakhsaha badan wax uga qabto fulinta qodobadan hoos ku qoran.
1: la xisaabtanka casaabaha ka aradan maamulka iyo habnidaamka shaqo een loo eegin aqoonta ee dabarka ku noqday horumarkii wasaaradan ee digreetooyinka sida siduu wax uga qaban lahaa.
2: sixida nidaamka maamul ee wasaarada. Sida qaabaynta waaxaha wasaarada iyo habnidaamkooda maamul
Oo u baahan in isbedel dhabi ku yimaado si loo helo shaqo dhababa oo caafimaad qabta.
3: iyo nidaaminta shaqada iyo simida xuquuda shaqaalaha taasiyoo loo eegayo xirfadooda aqooneed iyo shaqo.
Fulinta qodobadaasi waa helista hirumar la taabankaro oo ka tisqaada wasaaradan ragaaday.

W/Q:-Suxufi Xassan Shaah
Hargeisa Somaliland