HELLO MADAXWAYNE: ILAA HADDA MAAD GARAN SABABTAY KU TIMI DUUFAANTU

Mudane Madaxwayne kahor inta aanad kormeerin dadka dhibaatooyinku kala soo darseen roobabkii duufanta ahaa waxay ahayd inaad iswaydiiso sababta ay ku timi duufaantu

siilaanyo Madaxwayne ilaa hadda maad garan sababta taas macnaheeda maa loo qaadan karaa inaanad wax badan ka ogayn xaaladda guud ee dalka aad hogaamiso?

siilaanyo1

maadaama oo aad madaxwayne af iyo adinba ka xidhatay umadii ku soo dooratay taas bedelkeediina xukuumadaadu u shaqaynayso si bilaa xisaabtan ah isagoo masuul kastaa iska yeeshay haayadda dawliga ah ee uu maamulo
Madaxwayne ma iswaydiisay in ilaahay kaala xisaabtamayo masuuliyadda aad qaaday maadaama oo aad kitaab ilaahay ku martay ka soo bixidda masuuliyadda

Mudane madaxwayne ilaa hadda bulshaddu waxay u dhagtaagaysaa inaad u sharaxdid sababta aad jeelasha ugu gurtay ehlu diinkii dalkan ee uu kamid yahay sheekh aadan cabdiraxmaan warsame aadan sunne oo muddo billo ah oo ay ku jirto bisha barakaysan ee ramadaan kuugu xidhan jeelka wayn ee hargeysa iyadoon ilaa hadda wax sharciya la horgayn ama aanu jirin dambi lagu soo oogay

Mudane madaxwayne bil ramadaan ayay xidhanyihiin culima awdiinkii dalka kuwoodii ugu mudnaa waana Ayaan darro ku habsatay qaranka aad masuulka u sareeya u tahay ilaahay subxaanahuu watacaalaa waxbuu inagu tusayay duufaantii roobka ahayd ee ina haleeshay balse waxa Ayaan darro wayn ah madaxwayne inaanad ilaa hadda garan sababta roobkii duufaanta ahaa

Madaxwayne Ilaahay subxaanahuu watacaalaa qur’aankiisa wuxuu ku yidhi qoom ma badalno ilaa ay iyagu nafahooda badalaan madaxwayne markaad qasriga madaxtooyadda ku qaabilaysid kuwa ilaahay quraankiisa kariimka ah ku nacdalay jeelashana aad ku guraysid kuwii ilaahay quraankiisa ku amaanay miyaan la odhan Karin dambgu xageena ayuu ka yimi madaxwayne

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne waa inaad ilaahaaga ka cabsataa oo aad jeelasha ka sii daysaaa culimada xaqdaradda kuugu xidhan oo aad badalkooda xidhxidhaa kuwa ilaahay nacdalay ee aad qasriga ku maamuusaysid
Gabiley.net
Gabiley Office