“HESHIISKA XUKUUMADDA SOMALILAND IYO KOMBANIGA DP WORLD EE MAALGASHIGA MAARSADDA BERBERA WUXU NOQON DOONA MID SOMALILAND ALBAABADDA DUNIDA U FURI DOONA” WASIIR XUSEEN DAYR

Hargaysa(GNN)Wasiirka Ganacsiga Somaliland Xuseen Aadan Dayr (Xuseen Dayr), ayaa ka hadlay adeegyadda ganacsi iyo Maalgashi ee Wasaaraddiisu u qabato bulshadda Somaliland iyo cid kasta oo u baahan inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgeliso noocyo ganacsi oo kala duwan, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka wasaarad ahaan xukuumaddu u dejisay inay u fududayso cid kasta oo maalgashi Somaliland inay ku sameyso rabto oo ay diyaar u yihiin.

Xuseen Aadan Dayr (Xuseen Dayr), ayaa isaga oo shalay Carwo ganacsiyeed Hargeysa laga Furay hadal ka jeedinaayey, ayaa dhinaca kale soo dhaweeyey Heshiiskii Xukuumadda Somaliland iyo Kombaniga reer Imaaraad ee DP Wordl ku maalgelinaayo Maarsadda Caalamiga ah ee Berbera, heshiiskaasi oo uu tilmaamay in uu Somaliland u furi doono albaabada dunida isla markaana shaqo abuur badan isaga bulshadda Somaliland ka dhaxli doonto.
Wasiir Xuseen Dayr oo ugu horeyn faahfaahin ka bixinaayey Shuruucda Wasaaraddiisu ugu adeegto ganacsatadda iyo maalgashatadda caalamiga ah wuxu yidhi “Shuruucda ganacsiga ee dalku waxay nagu waajibinaysaa ama ay nagu khasbaysaa in aanu qofka u ilaalino shirkaddiisa iyo magaciisa si aan magaciisa uu ku ganacsanaayo looga xumaynin, sida daraadeed waxaanu go’aansanay ganacsigeenu in uu Cilmi iyo Aqoon ku dhisnaado, sida darteed waxa muhiim ah in qofka ganacsanayaa uu ku dhisnaado ileen dadka hadii dadka uu u adeegaaya ay ku qanci waayaan nooca badeecada ee uu qofku ka ganacsanaayo muhiimadu waxay tahay in uu qofku yidhaahdo maxa qaldan iyo maxaan bedelaa iyo maxaan kor u qaada, waayo ganacsadduhu in uu kolba sannadkii hore halkii uu taagnaa uun sii fadhiyo maaha oo halkii joogo”

“Waxaan idiin sheegayaa dawladda aan wasaaraddan uga masuul ahay waxay doonaysaa oo ka go’an inay soo dhawaynayso maalgashadayaasha guddaha dalka iyo kuwa dibaddaba, runtiina ganacsiga muwaadiniinta ee dalka guddihiisu sameeyaan ayaa 95% ka badan , maalgashiga dibadda , marka wasaaraddaydu maaha wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah ee waa wasaaradda Maalgashiga , sababto ah dadka reer Somaliland ayaa dalkooda maalgashaday oo iyaga ayaa horumarka keenay oo iyaga ayaa keenay in ganacsigeenu kobco” ayuu isaga oo Xuseen Aadan Dayr (Xuseen Dayr) hadalkisia sii wata ku daray

Wasiirka ganacsiga Xuseen Aadan Dayr (Xuseen Dayr) oo amaan balaadhan jeediyey ganacsatadda reer Somaliland dhinaca kalena qeexay faa’iidada heshiiskii maalgashiga Maarsadda Berbera wuxu yidhi.

“Guud ahaanba ganacsataddu laf dhabar ayey u yihiin ganacsigeena oo maalintii Somaliland la xoreeyey ilaa maanta inay hawlaha qaranka ka hawlgalaan, hadii ay tahay gurmadka Abaaraha, hadii ay tahay taakuleynta dadka danyarta ay iyo haday tahay bixinta Cashuurta oo ah ta uu waddankeena dhan ee Somaliland ku socdo ganacsataddu laf dhabar ayey ka yihiin oo amaan iyo abaal waynba umadda Somaliland oo dhan ayaa idiin haysa oo xukuumad ahaana waxaanu dhiirigelinaynaa in uu ganacsigu kobco iyo in uu kor u qaadmo iyo in aynu dalkeena helo Maalgashadayaal Caalami ah oo maalgashadda,

Wasiirka wasaarada ganacsiga somaliland ayaa ka hadlay maalgashiga lagu samaynayo Dekeda Berbera waxaana uu yidhi wasiirku”sida aad la socotaan waayadan Warbaahintu waxay aad u qaada dhigayaan heshiiska hor dhaca ah ee Somaliland la gashay Kombaniga la yidhaahdo DP World (Dubia Ports World) , waana fursad dalkeena u soo korodhay taas oo uu dhaqaalaha dalkeenu u baahan yahay iyada oo ay ka abuurmi karto shaqooyin faro badan iyo inay ka abuurmi karto in ganacsigeenu kor u kaco oo waxa ka abuurmi kara heshiiska maalgashi ee Maarsadda berbera in uu noqdo mid inoo furo Albaabadda dunida oo aynu waxyaabo badan kula wadaagi karno, runtiina cida ku dhiiratay inay dal aan la aqoonsan maalgashi ku sameyso waa Dubia World”

 

Gabiley.net