Laba Wiil Oo Walaalo Ah Oo Goordhawayd Ku Sumoobay Beer Ku Taala Degmada Xudun Ee Gobolka Sool

Waxaana labadan wiil ee walaalaha ah ay cuneen xab-xabkaa la sumeeyey, waxaana naloo sheegay in midkood dhintay halka kii kalena ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato isla markaan sida nalo sheegay loola cararay cusbital ku yaala magaalada garoowe.Xab-xabka la sumeeyey ayaa la sheegay in loo dhigay xayawaan ama bahalo dhibay beeralayd deegaankaasi waxana labada wiil oo wada socdaa ay soo galeen beerta isla markaana ay cuneen xab-xabkii.

Labadan wiil ee somoobay ayaa da’doodu ay kala ahayd 14-jir iyo 17-jir, waxaa goobtii ku dhintay wiilkii yaraa.

 

 

Hargeysa/Office

  816 Active Vistors Online